Home » News » slidernews » {Qormo} Maxaad Kataqaan Xasan Sheekh Maxa’ud

{Qormo} Maxaad Kataqaan Xasan Sheekh Maxa’ud

Midowga Afrika Maxay dheheen?

Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya ayaa waxa u hambalyeeyay madax kala duwan oo caalamka ka tirsan.

Xubnaha hambalyada u diray Madaxweynaha cusub iyo baarlamaanka Soomaaliya waxa ka mid ah, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamunyinyi oo sheegay in doorashada Madaxweynaha cusub ay ahayd mid ku dhacday si xor ah oo caddaalad ah.

Waxa uu ballanqaaday taageerada guddiga Midowga Afrika iyo midd AMISOM oo weliba si gaar ah uu ugu balanqaaday Madaxweynaha cusub, dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu filayo inay wada shaqeyn doonaan.

Hadalkii Madaxweynaha ee Shariif uu ku amaanay?

Madaxweynaha cusub, Xasan Shiikh Maxamuud, oo hadlayay markii la doortay ayaa waxa uu ammaanay Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Shiikh Shariif oo uu yiri “Madaxweyne Shariif waa saaxiibkeyga shalay, maanta iyo berriba.”

Waxa uu ku ammaanay isbeddelka muhiimka ah ee uu ku hirgeliyay arrinta doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha cusub ayaa weydiistay shacbiga Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan sidii ay Soomaaliya dib uga soo kaban lahayd dhibaatada dhacday.

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Shiikh Shariif oo isna hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashada oo ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu yahay Xasan Shiikh Maxamuud, kadib markii uu ka guuleeystay wareeggii u dambeeyay Shariif Shiikh Axmed. Xasan Shiikh waxa uu helay 190, Shiikh Shariifna 79.

Waa Kuma Hassan Sh, Maxamuud?

 

Xasan Shiikh Maxamuud waa nin aqoon yahan, isla markaana u dhaqdhaqaaqa ururada bulshada.

Wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee bartamaha Soomaaliya ee G.Hiiraan sanadkii 1955tii.

Waxa uu u soo shaqeeyay hey’ado caalami ah iyo kuwo waddani ah oo oo nabadda iyo horumarinta ka shaqeeya.

Xasan Shiikh waxa uu ka qalin-jabiyay jaamacadda qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1981.

Waxa uu sii waday waxbarshadiisa isagoo aaday dalka India halkaasi oo ka qaatay shahaadada labaad ee jaamacadda Bhopal University 1988.

Shan sano kadib waxa uu u shaqo bilaabay hey’adda sanduuqa badbaadada carruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu u noqday sarkaalka waxbarashada ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ilaa Nabad ilaaliyaashii Qaramada Midoobay ay ka baxeen Soomaaliya sanadkii 1995.

Waxaa uu wax ka aasaasay machadka SIMAD ee magaalada Muqdisho oo lagu barto culuunta maamulka iyo horumarinta, oo markii dambena uu ka dhigay jaamacadda SIMAD.

Sanadkii 2011, waxa uu aasaasay xisbiga Nabadda iyo Horumarinta, waxaana uu ilaa hadda yahay guddoomiyeeda.

Waxaa uu ku hadlaa afafka Ingiriisiga io Soomaaliga.

Waa nin noocee ah.?

 

Waa nin degan oo leh go’aamo ad adag, waxaa lagu xasuustaa inuu qudbadiisii si adag uga hadlay midnimada Soomaaliya oo uu sheegay inaysan jireyn kala qoqob dalka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo aaminsan yahay in maamulada goboladdu xushmeeyaan dawladda dhexe, wuxuuu sidoo kale aad u diidanaa farogelinta dalka ee Itoobiya.

Waxaa shalay la arkay asagoo wareegii koobaad ka dib niman isku dayeen inay u geeyaan Raysal wasaare hore Gaas oo ka codsaday inay heshiiyaan balse uu kugacan saydhay, waxaana ka mid ahaa codadkaaga uma isticmaalayo Khiyaano qaran.

Waxaa la sugaa waa dawladda uu soo dhiso sida ay noqoto, iyo inuu keeno qof ay isla jaanqaadi  karaan.

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>