Home » News » slidernews » Codadka Hogaamiyayaasha SSDF (Puntland) Shaley Ay Heleen Xagay Ka Yimaadeen? (Maqaal)

Codadka Hogaamiyayaasha SSDF (Puntland) Shaley Ay Heleen Xagay Ka Yimaadeen? (Maqaal)

Ilaahey bey mahadi u sugnaatey, nabigiisiina  nabadgelyo iyo naxariisina korkiisa ha ahaato.

Shaley doorashadii ka dhacday magaalada muqdisho ninkii u matalayey maamulka SSDF (Puntland) wuxuu ka heley codad gaarayey 30 cod.

Hadaba waxaa isweydiin leh codadkaasu xagey ka yimaadeen?.

sida la wada ogaa maamulka SSDF (Puntland) Mahiiga wuxuu u ogolaadey iney labo nin saxiixayaasha roadmapka ku yeeshaan, min 7 xubnood oo gudiga kalasaarka xildhibaanada cusub ayey sidaa ku yeesheen, saaseyna gudigii ku galeen 14 xubnood oo ka tirsan maamulka SSDF (Puntland).

Isla markiiba si qorshahoodii ku dhisnaa khiyaanada iyo dadkale waxood boob waxay taxaaluf kula jireen ninkii soomaali Alle uga raaxeeyey ee Shariif Sakiin siadaaseyna aqlabiyad ah 21 nin oo isku dhinaca ku noqdeen, kadibna waxaa ay guda galeen sidii qorshahoodii ay u fulin lahaayeen, kaasoo ahaa in beelihii 12 sano kahor ku mideysnaa maamulkii ay la wareegeen keligood ee Puntland, iney iyagu gacmahooda ugu qoraan beelahaa dad siyaasadooda guracan hoos fadhiya oon maraba maya odhan karin, ayna ka hor istaagaan dhamaan qof kasta ooy raganimo iyo inuu  cadka beehsiina la xornoqdo u doodaya uusan baarlamaanka u soo gelin beesha uu magaceeda wato.

Taasi waxey keentey iney gacanta ku dhigaan 13 xildhibaan oon beeshooda ahayn oo iyagu gacmahooda kusoo qoraan kuwaas oo laga xoogey beelaha kala ah:

Dhulbahante: 3 xildhibaan

Warsangeli: shantey xaqa u lahaayeenba waa la wareegeen (Meeye siyaasiyiintii warsangeli ee ruugcadaaga ahaa sida Caasha Cabdale iyo Cawad Casharo waa u diideen).

Leelkase: 3 xildhibaan

Carabsaalax: halkii ay heysteenba.

Dashiishe : halkii ay heysteenba.

Tiradaasu waxey isku noqoneysaa 13 xildhibaan, ku 12 koodii = 25 Xildhibaan.

Shanta xildhibaan ee kale waa beesha Ogaadeen oo ay ka dhaadhaciyeen sidan:  ”noogu shuba anaga, markaa raysalwasaaraanu ku bedeleyneynaa codadkeena, markaanu jagada qadanana waxaanu idiin kale shaqeyneynaa sidii maamul goboleedka laga dhisi doono jubooyinka aad nadaxweyne uga noqon laheydeen beesha Sadana (Mareexaan) meesha uga ssari laheyn”, waxeyna u muuqataa in xildhibaanadii beesha ugaadeen 5 ka mid ihi ay arintaa iska riyada ama  khiyaaliga ah run moodeen ooy fuliyeen arintii.

sidaas ayuu maamulka SSDF (Puntland) wuxuu ku heley 25+5=30 xildhibaan.

Saad arkeyseen ama tv-yada ka daawaneyseen shalay ninkii ugu horeeyey ee sida hambalnimada ah ugu soo boodey ee salamay wuxuu ahaa musharixii maaulka SSDF (Puntlan) Ina Gaas.

Ninkii ugu horeeyey ee xalay bbc-da habeen bahdkii laanta afka soomaaliga wacey ee galkacaylka iyo ilmo yaxaaskaaan jirina u daadinayey madaxweynaha cusub wuxuu ahaa horjoogaha Maamulka SSDF (Puntlan) duq Faroole.

Hadaba nimankii shalay markay isku haleynayeen codadka xildhibaanada shariif sakiin beesha Hawiye sida jamaca ah uga aflagaadeynayey idaacada BBC-da akhristoow isweydii waxa maanta durba dhulka ay isu seexinayso.

Hogaamiyayaasha SSDF (Puntland) ayaa sida lawada ogyahay ilaa weligood shacabka soomaaliyeed lugooyo iyo burburin la dhex socdey ilaa xileygey xeebta Gobolka Bari dhabarkooda kaga soo dejiyeen gumeystihii talyaaniniga, ooy hadana ku xejiyeen iney amxaaro inta u galaan lasoo dagaal galeen oo dawladii soomaaliyeed ku burburiyeen, iyagoo leh ninkani waa mareexaan waayo cidkale oon anga ahyn uma qalanto iney  soomaali maamulkeeda qabato.

Hadana waxey ku xejiyeen tii udarey markUU hogaamiyihii SSDF C/Laahi Yuusuf inta Amxaaro ku saacidey in Shirkii kenya ay ku soo saarto uu amxaaro ciidamadeedii soo geliyey gurigii madaxtooyada soomaaliyeed ee caasimada Muqdisho.

Bal hadaba waxaynu dhowraa talaabooyinka gurucan ee wax duminta iyo qabyaalda foosha xun ku saleysan ee ay shacabka soomaaliyeed kula kici doonaa.

Axmed Maxamed

London

ahmed55@live.com

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>