Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow la hadlay Shabakada Khaatumo.com isagoo sheegay inuu rajo weyn ka qabo in baarlamaanka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah.
Mudane Jawaari oo Raxanreeb u suurtagashay inuu telefoonka kula hadlo isagoo ku sii jeeda shirka baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay inuusan aqbali doonin maanta in musharixiinta iyo xildhibaanada laaluush ku kala qaataan baarlamaanka dhexdiisa.
“Ma yeeli doono in wax dhaqdhaqaaq ah la sameeyo, xildhibaan kasta waxaan ka codsaneynaa inuu kursigiisa fadhiyo, cidii aan ku helno dhaqdhaqaaq ka baxsan shaada guddiga doorashada tallaabo ayaan ka qaadeynaa” ayuu yiri mudane Jawaari.
Afhayeenka wuxuu ugu baaqay baarlamaanka inay Alle ka cabsadaan oo aysan damiirkooda ku bedelan lacag, ayna codkooda u dhiibtaan si geesinimo lwh si buu yiri ay u gooyaan masiirka ummada Soomaaliyeed.
“Waxaa na saaran waajib culus, xildhibaanow waxaad ogaataan in taariikhda ay idin xusi doonto waxaad dadkiina iyo dalkiina u qabataan, ogaada in sharaf darro ay idin ku tahay in laaluush yar la idinku jiito” ayuu sii raaciyey Jawaari.
Diyaargarowga dhanka amniga
Guddiga doorashada ee baarlamaanka ayaa iyaguna saaka sheegay in ay si weyn ugu diyaargaroobeen dhanka amaanka inta ay socoto doorashada iyagoo kaashanaya ciidamada amaanka iyo kuwa Amisom ee ku sugan Muqdisho.
Xildhibaan Cismaan Libaax oo ah afhayeenka guddiga ayaa saaka idaacadaha gudaha u sheegay in doorashada maanta ay tahay mid culus oo ah rajada ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in si xilkasnimo leh baarlamaanka u gutaan waajibkooda.
Sidoo kale dadweynaha ayuu ugu baaqay inay u soo duceeyaan baarlamaanka.
Khaatumo Online
Admin@khaatumo.comGo to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterLeft Widget Zone
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterRight Widget Zone
© 2012, ↑ Khaatumo.com
Log in- Posts - Add New - Powered by WordPress - Designed by Gabfire Themes
Recent Comments