Home » News » slidernews » Goobta Doorashada Oo Lagu Qulqulayo (Warbixin)

Goobta Doorashada Oo Lagu Qulqulayo (Warbixin)

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo warbaahinta aduunka ayaa saaka ku qul qulaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa goor dhow ku soo aruuray Xildhibaano, Wariyeyaal iyo marti sharaf kala duwan, waxaana ay wataan kaarar aqoonsi oo si gaar ah loogu sameeyay doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Hoolkawayn  shirarka ee Dugsiga sare ee Booliska Jeneraal Kaahiya ayaa hal wado oo kaliya laga galayaa, waxaana qaadaya gawaari basas ah oo ay ilaalinayaan Ciidamada AMISOM.

Ammaanka Garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka soo gala ayaa si aad ah loo adkeeyay, halkaasoo Ciidamo fara badan lagu daadiyay xaafadaha iyo wadada dheer ee aada KM4.

Waxaana kaasa ay ku waabariisatay caasimada soomaaliya ee muqdisho  waa  cusub  iyadoona dadku ay ku haminayaan in ay  heli  doonana madaxweyne cusub oo daacad u ah dalka iyo dadka

Khaatumo Online

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>