Home » News » slidernews » News- Xaalada Amaan ee Magaalada Muqdhisho

News- Xaalada Amaan ee Magaalada Muqdhisho

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka si weyn loo adkeeyay iyadoo waddooyinka lagu soo daadiyay ciidamo kala duwan oo ay ku jiraan kuwo si gaar ah u tababaran, waxeyna ciidamadu xireen dhamaan waddooyinka waaweyn ee Muqdisho inta ay doorashadu socoto, kuwaas oo u geyfan in ay ka hortagaan isku day kasta oo ka dhan ah ammaanka.

Ciidamadu waxey isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka si loo xaqiijiyo ammaanka, inta badan isgoysyadana waxaa lagu arkayaa gaadiidka ciidamada ammaanka, waxeyna ciidamadu maalmahan si gaar ah howlgallo uga wadeen nawaaxiga dugsiga sare ee Booliiska oo ah halka uu shirku ka dhacayo.

Jawiga magaaladu saaka wuu degganyahay dadkuna waxey isweydiinayaan cidda ku guuleysandoona doorashada, iyadoo ciidamadu ay fureen waddooyin gaar ah oo ay isticmaalaan dadweynaha iyo gaadiidkoodaba.

Xalay ayeey aheyd markii wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ay Muqdisho ku qabteen shir jaraa’id iyagoo dadweynaha uga digay in ay ku dhaqaaqaan isu soo baxyo

Khaatumo Online

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>