Baaq Kuwajahan Ciidamada & Shacabka Somaaliyed (Akhriso)

Gudoomioyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari oo maanta lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu dareen kamuujiyay falalka amaan xumadaa ee ka dhaca Muqdisha siiba kuwii dhacay inta uu ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu amar ku siiyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay kawada shaqeeyaan sugida amaanka oo ay siweyn uga shaqeeyaan amaanka oo uu sheegay in maalmahaan ay ku soobadanayeen falal amaanxumaa sida uu sheegay.

Prof Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu kulataliyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay dareenkooda sara uqaadan sibuu yiri ay kaga hortagaan falalka amaanxumadaa.

Waxaana uu dardaaran adag uu ku bixiyay markale Prof Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari in Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay adkeeyaan amaanka Magaalada Muqdisho xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Gudoomioyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu shacbaka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay lashaqeeyaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya sida ay usugaan amaanka ay kala qeebqaataan ayna soosheegaan cidda falalka amaan xumo keysaneysa.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kadhacayay falal amaanxumaa oo ka dhan ah amaanka kuwaas oo cabsi ku abuuray dadka Shacabkaa kunool Magaalada Muqdisho hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa waxa uu imaanayaa xilli habeenadii ugu danbeeyay ee Muqdisho ey ka dhacayeen qaraxyo iyo falal dil oo qorsheesan.