Home » News » slidernews » Banaanbax Balaadhan Oo Lagu Taagerayo Musharax Farmajo (Video)

Banaanbax Balaadhan Oo Lagu Taagerayo Musharax Farmajo (Video)

Shacabwaynaha Soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa Sameeyay Isu soo bax balaadhan oo lagu taageerayo Musharax maxamed C/laahi Farmaajo oo u taagan Xilka Madaxwayne nimo ee Dalka Soomaaliya.

Shacabwayna Oo siwayn umuujinaya Taageerada ay u hayaan Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Socod dheer kusoo maray Qaybo badan oo kamida Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Waxayna Markaasi ku dhawaaqeen Halku dhigyo ay ku taageerayaan Musharax maxamed C/laahi Farmaajo.

Sidoo kale Qaarkmida Shacabwayna Dareenkooda Muujinayay oo Warbaahinta Lahadlay Ayaa Sheegay sababa Ay usameeyeen banaanbaxan balaadhan.

Tan iyo Markii uu kudhawaaqay Raysal wasaarihii Hore ee dalka Soomaaliya inuu yahay Musharax Utaagan Xilka madaxwayne nimo ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa Iska soo daba dhacayey Taageerada Ay umuujinayaaan Dhamaan Shacabwanaha Soomaaliyeed ee kusugan daafaha caalamku.

Maalmaha Soo aadan ayaa lafilayaa Inay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada madaxwaynaha dalku, Iyadoo shacabwaynuhuna ay codsanayaan in Baarlamaanku doorto Shaqsi haysta rabitaanka Shacabka.

By Axmed Darwiish

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>