Home » News » slidernews » Qabsada Kisamaayo Ku Aadan Maxaad Kala Socotaa? {Warbixin}

Qabsada Kisamaayo Ku Aadan Maxaad Kala Socotaa? {Warbixin}

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobollada Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday in muddo todobaad gudihiis ah ay magaalada Kismaayo guud ahaanba ka saari doonaan Malleeshiyada kooxda Al-Shabaab xilli ay horjoogayaasha kooxdaasi cabsi aawgeed u faarujiyeen Kismaayo.

Wararka Ayaa sheegaya in ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dalka Kenya ay dhowr  jaho howlgal uga qaadeen magaalo xeebeedka Kismaayo iyadoo saraakiisha ciidamada dowladana ay sheegeen in muddo todobaad gudihiis ah ay kula wareegidoonaan magaalada Kismaayo..

Sidoo kale sansaan dagaal iyo dhiillo colaadeed ayaa laga dareemaya magaalada Kismaayo kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo gaca ka helaya ku wa Kenya ay dhowr jaho uga soo ruuqaansadeen magaalada Kismaayo,

Horjoogayaasha Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen magaalada kadib markii ay ka waheleen in ciidamada dowladdu ay ku soo wajahanyihiin magaalada Kismaayo.

Khaatumo Online

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>