Qarax Xoogan Oo Kadhacay Baladwayne (Deg deg)

Wararkii ugu danbeeyay oo an ka heleeno Magaalada Baladweyne ayaa waxa ey sheegayaan in halkaasi uu qarax ka dhacay qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan oo qasaaro kala duwan soogaarsiiyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee kusugan Magaalada Baladweyne.

Wararka ayaa waxa ay intaasi kudareen inuu qaraxaan ka dhashay geerida sadex askari iyo dhaawaca afar kale oo dhamaantooda ka tirsanaa ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Axmed Inji oo ah Gudoomiye kuxigeenka dhanka amaanka oo ka hadlay qaraxaan ayaa waxa uu sheegay in qaraxaan ay ku dhinteen labo askari labo kalana uu dhaawac ka soogaaray sida uu sheegay.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in uu ka danbeysay kadib markii ciidamada Dowlada ay kasoo qaadeen meel sida la sheegayna inta ey wadeen ay ku qaraxday.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii danbe ku soobadanayay qaraxyada iyo sido kale dilalka qorsheesan.

Dhawaan ayee aheed markii Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Sidoo kale kuwa Dowlada Itoobiya ay hoolgal ballaaran oo ay dadbadan ku soo qab qabteen ka sameeyay Magaalada Baladweyne

Khaatumo Online