Home » Maqaalo » Hadalka Maldahan Ee Oday Duur, Handa-daada Qarsoon, & Hargeisa Howlaha yaal {Xog}

Hadalka Maldahan Ee Oday Duur, Handa-daada Qarsoon, & Hargeisa Howlaha yaal {Xog}

Ninka lagu Magcaaabo Oday Duur oo katirsan Xubnaha wasiirada ugu Magacaaban Maamulka Siilaanyo (Somaliland) Oo Ka hadlayey Arimo dhowra isla markaana Su aalo la waydiiyey Ayaa ka hadlay Arimo Quseeya magaalada Buuhoodle.

Taas oo dhawaan ay kusoo hungoobeen Ciidamada Huwanta ah ee Kusugnaa Deegaano kamida Gobolka Cayn Halkaasi kadib markii Jab baahsan loogu gaystay, laguna  wiiqay damacoodii is daba jooga ahaa ay kasoo baxeen, iyagoo heshiis madax buuxinana ku qanciyey Shacabka Gobolada Waqooyi ee qaarkood ay madax martay Siyaada Siilaanyo.

Handa Daada Qarsoon

Oday Duur oo wax laga waydiiyey Sababta Ciidankaasi uga Soonoqdeen Magaalada Buuhoodle Ayaa yidhi “Taarget keenu waa inaan Gaadhnaa Magaalada Buuhoodle, Waxba inooma tarayo Ciidan Kasokeeya, Waxaa jiri doonta in dhinca shishe laga Maro Magaalada Buuhoodle”

Hadalkan iyo kuwa kale oo Aan kafogayn lagana dheehanayo Siyaasada & Iyo dhibaatada lala gaadayo Shacabka ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa ah mid lasugayey.

Oday Duur ayaa Hadalkiisa Sii Raacsaday in Ciidamo xoogan latabarayo Isla markaana Ay geli doonaan Duulaankaas Qorshaysan.

Hargeisa Howlaha Yaal.

Magaalada Hargeisa ayaa waxaa siwayn looga Dareemayaa Dhamaan Xubnaha wasiirada ka ah Maamulka Siilaanyo, Wel iyo jaahwareer ka dhextaagan, isagoo nin kastana ka cabsi qaba in xilka laga xayuubiyo.

Maanta ayaana waxa Xilkii warfaafinta laga qaaday Odaygii hayey xilkaasi , islamarkaana waxaa lasugayaa Ninkii soo fuuli lahaa.

Xoga Hoose & Xam Xamta

Waxaa jira warar kala duwan oo kusoo dhacaya Ciwaanka Shabakada Boocame.comkuwaas Oo sheegaya ninka xilkaaasi lala doonayo.

Sidoo kalana Waxaa xilka Qaadista odaygani kusoo aadaysaa iyo – Saleebaan Xaglatoosiye uu Xalay si dhuumasha ah ku aaday magaalada Hargeisa.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Xaglatoosiye Aanu xilkaas helayn, laakiin lagala xaajoonayo – habkuu dadkiisa uxasuuqi lahaa, una qaban lahaa magaalada Buuhoodle.

Dhibaatooyinka Ka Dhashay Duulaanka Beesha Isaaq!

Waxaa Xaqiiq ah in dhibaatooyin kala duwan ay ka dhasheen duulaankii lagu soo qaaday deegaanka Buuhoodle waxaana laga xusi karaa – Dadka reer guuraha ah ee laxaad koodii kuwaayey, kuwa kale oo lagu Laayey, Deegaanka oo dhanka wax barashada, & horumarkuba ka joogsaday.

Hadaba suura gal matahay in Mr saleebaan Xaglatoosiye uu sababo dhibaato tii kabadan?

Source-  Boocame.com

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>