Home » News » W A R A R K A » Saraakiisha Ciidamada Dawlada Ee Jubooyinka Oo Faahfaahin Kabixiyay Duleedka Kismaayo

Saraakiisha Ciidamada Dawlada Ee Jubooyinka Oo Faahfaahin Kabixiyay Duleedka Kismaayo

Afhayeenka ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan gobolada Jubooyinka Muxumad Daahir Faarax ayaa sharaxaad ka bixiyay halka ay marayaan dagaalo uu sheegay inay ka wadaan Duleedka Kismaayo.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM ay wadaan qorshaha ku aadan inay la wareegaan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Muxumad Daahir ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ku hareeraysan yihiin ku dhawaad 60 KM sida uu shaaciyay,isaga oo waraysi siiyay Idaacaddaha magaalada Muqdisho.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ciidamada dowlada ay kasoo dhaqaaqeen deegaano dhowr ah oo horay ay ugu sugnaayeen ciidamada Al-Shabaab,isagoo cadeeyay in Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah oo horay ay u joogeen.

Wuxuu sheegay in dhinac waliba ay ka joogaan Magaalada Kismayo isalmarkaana ay rajeynayaan inay la wareegaan Magaalada Kismaayo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ayaa qorshohooda wuxuu yahay inay la wareegaan Magaalada Kismaayo oo ay maamulaan hada Ururka Al-Shabaab.

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>