War Deg Deg ah:Maxkamada Sare Oo Xiligani U fadhida Go’an ka Gaadhista Xubnaha Loo Diiday Kamid Noqoshada Baarlamanka Cusub Ee Soomaaliya

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta u fariisatay dacwadda xubnahii loo diiday kamid noqoshada Baarlamaanka, waxaana iminka socda fadhigii maxkamadda ee arrintaasi looga hadlaayey.

Qareenada u doodaaya 16-xubnood oo loo diiday in ay kamid noqdaan Baarlamaanka ayaa waxay maxkamadda ka codsadeen in lasoo xiro xubnaha guddiga maadaama ay wax been ah ku eedeeyeen xubnahaasi.

Qareenada ayaa ku doodaaya in guddiga farsamada ay meel uga dhaceen sharafta xubnaha loo diiday Baarlamaanka kadib markii lagu ay ku eedeeyeen denbiyo ay galeen.

Xubnaha ayaa dalbaday in magdhow laga siiyo eedaha loo soo jeediyey waxayna codsadeen in madhow laga siiyo eedaha loo soo jeediyey.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha maxkamadda sare Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf waxa uu sheegay in daqiiqado kadib ay maxkamaddu go’aan ka gaari doonto Xildhibaanadaasi.

La soco Go’aanka Maxkamadda

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX