Boqorka Sucuudiga Oo Si Kadis Ah Talada Dalka Ugu Wareejiyay Amiirka Dhaxalka Leh,

Bayaanka uu boqorka dalka Sucuudigu soo saaray, waxa uu ninka dhaxalka leh ku ogaysiiyay in hogaaminta dalka uu si ku meel gaadh ah ugu wareejiyay laga bilaabo, maanta oo isniin ah, hasa yeeshee laguma sheegin meesha uu boqorku u baxayo iyo inta uu maqnaan doono midna.

Bayaanka boqorka Sucuudi Arabiya Boqor Cabdalle Bin Cabdi Casiis ayaa u dhignaa sidan:-

Waxa aan maanta oo isniin ah soo saaray amar boqortooyo oo waafaqsan qodobka lix iyo lixdanaad ee nidaamka boqortooyada dalka Sucuudi Arabiya, waxa aan maanta oo ay bisha Shuwaal Tahay sagaal, sanadka kun afar boqol iyo sadex iyo sodonka Hijriga, kuna beegan todoba iyo labaatanka bisha August 2012-ka ee taariikhda Miilaadiga talada dalka ku sii wareejinayaa walaalka, ahna amiirka dhaxalka boqortooyada leh.

Amiir Salmaan Bin CabdiCasiis Aala Sucuud, waxa aan kugu amrayaa in aad sii wado hogaaminta umada iyo talada dalka, isla markaana ka sii shaqaysid ilaalinta iyo daryeelka danta umada inta aan ka soo noqonayo, fasax aan dalka dibadiisa ugu bixi doono, Illaahay ayaa Tawfiiqda leh.

Bayaanka boqorka dalka Sucuudigu talada ugu sii dhiibtay walaalkiisa dhaxalka leh, laguma sheegin meesha uu u baxayo, ujeedada socdaalkiisa iyo inta uu qaadan doono, waxa kaliya ee lagu cadeeyay in uu boqorku u bixi doono fasax boqortooyada dibadeeda uu ku soo qaadan doono.

Sidoo kale waxa telefishanka dalka Sucuudigu uu intaa ku daray tiro toban ku dhawaad ah oo noqonaya xubnaha boqorka ku wehelin  doona socdaalkiisa, kuwaas oo kala ah, Prince Faisal Bin Mohammed Bin Saud Al-Kabeer, Prince Muqrin bin Abdulaziz adviser and special envoy to the Custodian of the Two Holy Mosques, Prince Faisal bin Abdullah bin Mohammed, Minister of Education, Prince Turki bin Abdullah bin Mohammed Advisor to the King, Prince Saud bin Abdullah bin Abdul Aziz iyo Prince Mansour bin Nasser bin Abdulaziz Advisor to the King.

Waxa kale oo liiskaas ku jiray tiro masuuliyiin wasiiro iyo la taliyayaal u badan, hasa yeeshee waxa aan la hubin, in xubnahaasi sii galbin doonaan iyo in muddada uu maqan yahay ay ku wehelin doonaan socdaalkiisan shakiga badan abuuray.

Khaatumo Online

FaysalMaxamed Xasan

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX