Doorashada Guddoonka Baarlamaanka & Amaanka Goobta Lagu Qabanayo

Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka jirta xaalad ka duwan tii hore, waxaana aad loo adkeeyey amniga guud maadaama maanta la dooranaayo guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada Guddoonka Baarlamanaka sida Guddoomiyaha iyo labadiisa kuxigeen ayaa maanta dhacaysa magaalada, waxaana iminka la deraamaayaa diyaargarowga doorashada.

Amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo lagu soo daadiyey waddooyinka ayaa adkeeyey amnig, waxaana xaddidan dhaq dhaqaaqa guud.

Baarlamaanka cusub waxay maanta dooran doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada Guddoomiye kuxigeen.

Doorashada waxay midkiiba qaadan doontaa ugu yaraan saddex waree, waxaana lagu wadaa in ay qaadato wakhti dheeraad ah.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan 5-musharax, Guddoomiye kuxigeenka koowaad waxaa u taagan 11-musharax halka Guddoomiye kuxigeenka labaad ay u taagan yihiin afar musharax.

Khaatumo Online