Home » Maqaalo » (Qormo) Halyeeynimada Galaydh, Hagardaamada Gaas & Hanyaraanta Faroole!

(Qormo) Halyeeynimada Galaydh, Hagardaamada Gaas & Hanyaraanta Faroole!

Qormada Kooban ayaa Waxaan ku eegaynaa Sida Magaceedaba  Kamuuqataba, Sadex shaqsi oo kamida Siyaasiyiinta dalka Soomaaliya & xaalada siyaasadeed ee Muqdisho.

Halyeeynimada Galaydh.

Waxaa dhawaan magaalada muqdisho oo siyaasad xoogan ay kasocoto kaga dhawaqay inuu yahay Musharax utaagn Xilka Gudoomiyaha Baaarlamaanka Dalka Soomaaliya Pro Cali khaliif Galaydh oo Ahaan jiray Raysal wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya.

Dr Galaydh oo Qudbad qiimo badan Kajeediyey Munaasibad ka dhacday Hotel Saxafi ayaa falanqeeyay Hamigiisa siyaasadeed & horumarka uu lajecelyahay Dhamaan umada Soomaaliyeed.

Dhmaan dadkii Goobtan joogay, Intii dhagaysatay, Iyo Sidoo kale intii saadaalinaysa Ayaa siwayn Usoo dhaweeyay Go’aanka Halyeey Cali Khaliif islamarkaana Tilmaamay Inuu wadanka wax uqabdoono.
_____________________________________________________________

Han yaraanta Gaas.

C/wali Maxamed Cali Oo ah Raysal wasaarihii Xukuumadii hore ee dhawaan waqtigeedu dhamaaday Ayaa isna Kamida siyaasiyiinta Soomalida ee hardan ka ugu jira Xilka madaxwayne Nimo.

Mr gaas ayaa waxaa dhamaan dadku siwayn Uga barteen Qabiilka & hanyaraanta uu isku koobay deegaanka uu kasoo jeedo, Iyadooo intuu xilkaa hayeyna looga bartay inuu meel geeyo Ama magacaabo Xubno kasoo jeeda Qabiilkiisa.

Inkastoo mr Gaas uu hardan ugu jiro xilkaas ayaa hadana waxaa imi jira walaac soo wajahay Mr gaas maadaama Aan Qabiil keliya meel lagu gaadhi karin.

________________________________________________________________

Hagar Daamada Faroole ?

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeey ee Puntland oo kamida xubnaha dabada kariixaya C/wali Gaas , Islamarkaana kamid ahaa ragii Xilka Katuuray Raysal wasaare Farmaajo oo kucaanbaxay Soomaali Jacayl, ayaa hadana sii wada hagardaamada uu ladaba joogo Umada Soomaaliyeed.

Waxuuna haatan dagaal ugu jiraa habkii Ay beesha uu kasoo Jeedo u heli lahayd Xilka madaxwayne, Taas Oo umuuqata mid aan meel gaadhayn, Hadii halyeey Galaydh oo imika ugu cad cad musharixiita Gudonka Baarlamaanka uu Xilkaasi Qabto.

Madaxwayne Faroole ayaa isag waxaa looga bartay  dhibaato joogta ah oo uu kuhayo maslaxada umada Soomaaliyeed, Isagoo sidoo kalana Dhamaan kala firdhey deeganadii markii hore laysku Odhan jiray Puntland, Kadib markuu iib saday Magaalo madaxdii Gobolka Sool.

__________________________________________________________________

Siyaada Kacsan ee Kajirta Muqdhisho.

Magaalada Muqdisho ayaa hada waxaa kajira Siyaasad aad udag islamarkaana umuuqata mid lagu kala hadhi doono ayaamaha Soo aadan.

Hadalhaynta Ugu badan ayaa Ah Arinta Musharax Halyeey Cali Khaliif Oo utaagan Xilka Gudoonka Baar Lamaanka, Loona badinayo inuu xilkaasi ku guulaysto.

Writer By –  Darwiish 

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>