Home » News » slidernews » Al shabaa oo Kismaayo Ku gubay jaad fara badan iyo ganacsato ey xabsiga u taxaabeen

Al shabaa oo Kismaayo Ku gubay jaad fara badan iyo ganacsato ey xabsiga u taxaabeen

Maamulka Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta oo Jimco ah Magaalada Xeebeedka Kismaayo ee gobbolka Jubada Hoose ku xirxiray ganacsato iyadoona gawaari jaad u siday ay gubeen.

Al-Shabaab ayaa ganacsatada siday jaadkaasi xabsiga u taxaabtay waxaana ay dab qabad siyeen gawaaridii jaadka siday.

Maxamed Xaaji Cabdulle oo ku sugan Kismaayo ayaa Warbaahinta Allssc.com ugu warbixiyey ganacsatada xabsiga la dhigay iyo Jaadka la gubay.

Maxamed ayaa tilmaamay in ganacsadataani ay jebiyeen amar horay ay Al-Shabaab u soo saareen ee ahaa in aan Jaad lagu iibin Karin Magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab ayaa horay ugu jaadka ugu mamnuucay in lagu iibiyo Magaalada Kismaayo ee gobbolka Shabeelaha Hoose.

Ganacsatada jaadka iibisa ayaa iyagu ku andacoodo inay ku noolyihiin iibinta Jaadka islamarkaana ay ku ilmo korsadaan.

Ma ahan Markii ugu horeysay ee Al-Shabaab ay jaadka ka gubto ganacsato Soomaali ah iyadoona badalka jaadkaasi aysan wax.

khaatumo online

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>