Shiikh Umal & Geeriada Malez, Muxuuse Kayidhi Hogaamiyaasha Soomaalida Ee Tacsida Diray?

Qudbadii saalada jimcaha maanta ayuu shiikh maxamed cabdi umal kusoo qaatay geeridii ra’iisalwaarihii ethopia iyo muslimiintii tacsida u dirtay waxay diinta islaamku ka qabto.

Tan iyo Todobaadkan markii uu geeriyooday Males Zanawi ayaa hogaamiyayaal muslimiim ah ayaa tacsi u diray kuna tilmamay halyeey ka baxay geeska afika iyo qaaradaba.

Dadkaas tacsida diraya waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiinta dawlada somalia, Horjoogayaasha Maamulka Puntland,Somaliland,Iyo Madaxweynaha Dawlada deegaanka Somalida,Iyagoo Utacsiyeeya Geeridaas, inkastoo ay kala duwanaayeen Habkay Qiirada Umuujiyeen.

Iyadoo dhinaca Kalana Ay qaarkmida Masuuliyiinta dawladaha derisku Tilmaameen Dhibaataduu ninkaasi ku hayey Geeska Afrika Gaar ahaan Dalka Soomaaliya.

Hadadba Qudbadii salaada Jimcaha Ee Maanta ayaa Khadiibka masjidka abubakar sadiiq Ee xaafada islii ee Soomalidu Ku badan tahay ee xarunta Kenya Shiikh maxamed cabdi Umal Kana Mid Wadaadada ugu Waaweyn Culimada Soomaaliyeed Uguna caansan Uu Sheegay Inay Xaaraan tahay In tacsi Loo Diro Gaal Dhibaateeyey Muslimiin fara badan oo ku nool Ethopia iyo Somaliya Kuna soo qaatay mashruuc uu Reer galbeed Uga gaday Inay yihiin argagixiso Gumaadayna Muslimiin badan.

Shiikh Umal ayaa Sheegay inaysan Diinta Islaamku qabin In Nin kaasoo kale geeridiisa laga muujiyo dareen naxdin ayna haboon tahay in mas’uuliyiintaasu Ilaahay u toobad keenaan.

Shiikh umal ayaa Sheegay inaan la hilmaami karin Dilkii, qaxii Iyo dhibaatadii Uu Ka Gaystay Gudaha Dalka Soomaliya Oo Ay Ciidamadiisu Ku Gumaadeen Muslimiin far badan waxa Uu shiikhu Xusay Inuu san Doonayn Inay Somaliya Degto Uuna Taageero U fidin jiray dagaal oogayaashii somalia.

Shiikh Umal ayaa sidoo kale Digniin u Diray Waraaqo maalmahan lagu qaybinayey xaafada islii iyo masaajida Hortooda laguna sheegayey In Culimo soomaaliyeed Oo caan ah ay tacsi U direen Males Zanawi.

Shiikh umal ayaa arrinkaas aad Uga dhiirigeliyey Muslimiinta kuna sheegay arrin layskaga horkeenayo Culimada iyo Shacabka lana doonayao in diinta lagu dhibaateeyo ayna ka mid tahay fikradihii khawaarijta.

Shiikha ayaa sheegay in dadka arrinkaas samaynayaa uu ka muuqdo Sunnihii Oo ay gadhka la baxeen Sitaan khamiisyo Doonayaan inay dadka fikrado diinta kasoo horjeeda ka dhaadhiciyaan ayna haboon tahay in laga hortago.

khaatumo online

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX