Home » News » slidernews » Caasho Axmed Cabdalle C/wali Gaas Lacag badan Ayuu Lun saday!

Caasho Axmed Cabdalle C/wali Gaas Lacag badan Ayuu Lun saday!

Khaatumo Online- Caasho Axmed Cabdalle oo kamid ahayd Xildhibaanadii Baarlamaanka Dowladda KMG Soomaaliya ayaa eedeyn dusha ka tuurtay Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Golihiisa Wasiirada.

Caasho Axmed Cabdalle oo ka hadlaysay kulan ay Musharixiin dhawr ah ku yeesheen Muqdisho ayaa waxa ay ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Gaas iyo Golihiisa Wasiirada inay lunsadeen kuraastii ay haweenka Soomaaliyeed ku lahaayeen baarlamaanka cusub ee Somalia.

Caasho ayaa tilmaamtay in Gaas iyo golihiisa Wasiirada ay haweenka duudsiyeen kuraastii ay lahaayeen iyadoona xustay inay rag ay iyagu wataan ay ku badaleen.

Xildhibaanad Caasho ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay fara gelin ku sameeyso musuqmaasuqa ka jira qaabka loo soo xulay baarlamaanka cusub ee Somalia.

Gaas iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa waxa ay qeyb ka yihiin xildhibaanada cusub ee baarlamaanka la dhaariyey ee uu yeeshay dalka Soomaaliya.

Khaatumo Online

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>