Madaxwaynaha Maamulka Puntland Mr Faroole , Ninka ugu Magacaaban Ku xigeenaka & Gudoomiyaha Baarlamaanka Ayaa ayaa si wadajir ah waxay u tagageen xarunta xafiis qunsuliyeedka Ethiopia ku leedahay magaalada Garowe.
Mr Faroole oo kadib markii uu u tacsiiyey raysul wasaarihii dhintay ee Ethiopia ka hadlay ayaa sheegay in Senawi uu ahaa nin ka dhintay Afrika oo dhan, gaar ahaan Soomaalida.
“Senawi kaliya Ethiopia kama dhiman, wuxuu ka dhintay guud ahaan dhucuubta Afrika iyo Soomaalida, anagana waa naga dhintay” ayuu yiri Mr Faroole.
“Waan ka tacsiyeyneynaa geerida Senawi oo ahaa raysul wasaarihii Ethiopia” ayuu sii raaciyey Faroole.
Mr Faroole Oo Qiira Muujinaya Ayaa Yidhi.
Waxaanu baaq walaac ku jiro udiraynaa raysul wasaare ku xigeenka Ethiopia ee hadda xukunka la wareegay inuu raaco tubtii uu jeexay Meles Senawi.
“Waxaan ugu baaqeynaa raysul wasaare xigeenka hadda xafiiskii la wareegay iyo ragga kale ee la shaqeynaya inay raacaan dhibihii uu jeecay Senawi” ayuu codsaday Mr Faroole.
Hadaba Geerida Malez ayaa Siyaabo kala duwan Waxaa Uga Hadlay Dad badan Oo Soomaali ah, Waxayna Badan koodu u Arkaan Malez Inuu Ahaa Nin halis ku ahaa qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
Iyadoo dawalaha Deriskuna Ay Fekerkaasi Qabaan -” Hadaba Hadalka Faroole Firdhiye Maxaa Loo Qaadan Karaa”?
Khaatumo Online
Admin@khaatumo.comGo to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterLeft Widget Zone
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterRight Widget Zone
© 2012, ↑ Khaatumo.com
Log in- Posts - Add New - Powered by WordPress - Designed by Gabfire Themes
Recent Comments