Mahiga oo odayaasha dhaqanka lakulmay (Warbixin+ Sawiro)

Khaatum.com- Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay xarunta AMISOM ee Xalane ayaa waxa uu ka hadlay soo xulista Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo doorashada soo aadan.

Augustine Mahiga ayaa ugu horayntii waxa uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka inay soo dhamaystiraan liiska Xildhibaanada harsan si uu Baarlamaanka cusub uu u bilaabo hawlaha adag ee hor yaalla.

“Odayaasha dhaqanka waxaa looga baahan yahay inay soo dhameestiraan soo xulida baarlamaanka cusub ee Soomaaliya si howlaha shaqada loo bilaabo”

Mahiga waxaa kale oo uu ka hadlay wakhtiga ay dhacayaan doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa iyo tan Madaxweynaha, waxaana uu carabka ku dhuftay in rajo weyn laga qabo in sida ugu dhaqsaha badan loo guda galo doorashooyinkaasi.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa hadalkaan waxa uu ka jeediyay kulan ay magaalada Muqdisho shalay ku yeesheen wakiillo ka socda waddamada beesha caalamka ee daneeya Soomaaliya.

Daawo sawirada

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX