Home » News » slidernews » Taariikhdii Daraawiishta & Xaglatosiye (Gabal daye)

Taariikhdii Daraawiishta & Xaglatosiye (Gabal daye)

Ku socota : Xagla toosiye (Gabal daye),

Ku: Afarta hindi ee u shaqo tagay Mamulgobledka burco iyo hargeysa,

Xasuusin taariikhdii awoowayaashood ee daraawiisheed

_______________________________________________________

Umad kasta oo dunida ku nool waxa ay ledahay hami (vision) soo jireen ah, oo jiilba jiilka ka danbeeya uu ka dhaxlo. Iyo habkii ay ku gaadhi lahayd hamigaas (mission).

-

Laga soo bilaabo taariikhdii daraawishta uu hogaaminayey ala ha u naxariiste Aabihii kowaad ee umada somaliyed Sayid maxamed cabdule xasan waxa uu hamiga daraawishtu ahaa sidii loo heli lahaa somali mideysan oo anay wax gumaysi ahi u talin mid cad(europian colony) ama mid madowba (xabashida). Iyada oo la og yahay in marar badan Sayid maxamed uu gumaysigu u balan qaaday hanti aduun inta uu ka doono , hadii u ka hadho halgankiisa. Laakin Sayidku wuxu ahaa mid mowqifkiisu cad yahay.

-

Taasi uu maansadiisa marar badan ku muujiyey una diray qoraalo gumaysigii uu leeyahay , dalkan anaga leh , ee nooga tag.

Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne

• Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale

• Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye

• Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye

• Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye

• Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin

• Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye

• Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine

• Sida doxorka Iidoor anaan, duud xamaal noqone

• Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine

• Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane

• Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine

Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooraweynahe(gumeysiga)

Waxa ay maansadani ku tusaysaa ilaa ka awoow , ka awoow in
Daraawiishtu uu hamigoogu ahaa , hadana yahay, dal somaliyed oo midaysan oo xor ah.

Degaanka Daraawishta, waxa ku yaala manta goobo badan oo ay muddan tahay in umada somaliyed soo booqato oo ay soo booqato sida awoowyaashood ugu soo dagalameen xornimada ay manta hadhsanayaan. Goobahaas oo ay ka mid tahay Taleex , buuhoodle iyo Halgankii daraawisheed ee bilaabmay (1895-1921), kaas oo ka hor jeeday qaybintii somaliyed ee gumaysiga cad iyo madow (1884). Halgankaas daraawishta iyo SYL tii ka danbaysayba waxa ay dhaliyen xornimadii iyo isu tagii umada somaliyed 1960.

Inkasta oo dagaalo sokeye dalka ka dhaceen oo afeeyey arliga oo dhan , hadana
Soomalinimadu waa halkedii, Umada ku abtirsata Khaatumo Darwiish state marnaba ka tagi mayso halgankoodii dheeraa ee ahaa midnimada umada somaliyed.

Iyaga oo kacdoonkii SSC , ka dib dhistay maamul goboleed u adeega umadooda isla markaana ilaaliya muqadisnimada umada somaliyed.

Horey waxan u soo qaadanay in Sayid maxamed ka diiday gumeysiga marki ay yidhaahdeen duunyo waxa aad rabto qaado oo ka tag halgankaaga!!! Markuu lahaa “Anaa diidey deeqdiisii, ay naari daba taale. Dahabkuu waday wanigii daa diye qubaye..

-

Bal waxad yara barbar dhigtaa XAGLA TOOSIYE, isaga oo ahaa shaqsi u dhashay deegaanka daraawiishta, isla markaana lagu sharfay madaxda SSC, ayaa uu manta badalay mowqifkiisii,isaga oo la og yahay in ka tahay bal in aad wax yar oo dhaqaale ah ku hesho.

Waxa yaalaha lagu garto ninka geesiga ah ayay waxa ay ka mid tahay in aanu mab da iisa badalin. Waayo Waxa manta aan isku hayno walaalaheen burco iyo hargeysa waa Somali waa mid iyo Somali ha la kala gooyo.

Hadii aad taariikhda dib u eegto kala goynta somaliya waxa ay aheyd arin gumeysi, waaba cajiib hadii manta dad somaliyed ay sidii gumaysiga ku doodayaan in Somalia la kala gooyo.

Hadaba koley waxa ay ila tahay in Xagla toosiye oo run ahaantii dadka qaar u yaqaanaan CADOW TOOSIYE, ANIGU WAXAN NINKAA ODHAN LAHAA HA LOO BIXIYO  XAGLA TOOSIYE (GABAL DAYE)!!

-

Waayo gabal daye waa geeed kolba meesha Qoraxdu ka jirto u jeesta , isaga oo la ogaa shalay in uu lahaa waxan isu soo taagayaa madaxtinimada puntland…taasi maba xuma oo puntland waa maamul goboled ka tirsan somaliya, isaga oo ahaa ninkii sida sharafta leh loogu dhiibay hogaanka SSC , hadii uu manta badalay qadayadiisii waxa kalaya een anigu u arki karaa sidi AFARTII HINDI EE HORE IN UU YAHAY GABAL DAYE , kolba meesha shilinku la galo tagaya.

-

Su asha ugu weyn waxa ay noqonaysaa , xaglatosiyow afarta hindi, ma qabaan
maamulka burco iyo hargeysa in Somali mid tahay , xududaha ay shegayaana uu yahay mid gumeysigu isu afgaran jiray? Maqabaan mamulka aad u tagten in Somali xuduud kala lahayn? Waa maya.

Cajiib hadaba wixii aad ugu tagto waa gardaro iyo ka baydhid wadadii daraawishta, waxan u arkaa kaliya in ay tahay dano shaqsi oo dhaqaale ku xidhan!!! Nin hungri kaa qaaday waa nin sefi kaa qaday.

Ilaahay mahadii umada Khaatumo darwiish state waa umad balan qaaday in ay deegaankeda wax u qabato , ilaashatana danta guud ee Somali midnimadeeda, iyada oo manta ay sharaf u tahay in maamulkaas xalaasha ah lagu soo dhisay, magaaladii taariikhiga aheyd ee Qasrigii daraawishta TALEEX.

Abwaan somaliyed ayaa horey u yidhi . “ALAA WEYN NINKII AMINAA AWOOD LEH, UMAD WALIBA AYAHEEDA INAY KA TASHATO IYADAA LEE” Hadal iyo dhamaan Khaatumo darwiish state waxa ay u taagan tahay;

1. adeegida umadeeda daraawishta ee degta sool , sanaag iyo ceyn.

2. Ilaalinta midnimada umada somaliyeed (khaatumo state is the bridge of somaliunity)

Hamigeeda guud ee midaynta Somaliyed, iyo kan gaar ahaaneed ee u adeega
umadeeeda daraawisheed waa arin xaq ah. Nin hunguri qaadayna ma matali karo , waxna uma dhimi kara KHATUMO DARWIISH STATE.

Midnimada umada somaliyedna waa muqadas lama taabtaan ah. Umada khatumana wax ay gudanaysa wajibadkeda qaranimo taarikhduna way xusi doontaa reer khatumo.

VIVA SOMALIA, Qaranimada iyo midnimada Somalia waa MUQADAS

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>