Home » News » slidernews » Golaha Sare Dhaqanka Ee Maamulka Khaatumo State Oo Eedayn Usoo Jeediyay Maamulka Puntland(Dhagayso)

Golaha Sare Dhaqanka Ee Maamulka Khaatumo State Oo Eedayn Usoo Jeediyay Maamulka Puntland(Dhagayso)

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Qaar kamid ah Madaxda Iyo Odayaasha Dhaqanka Ee mamulka Khaatumo Magaalada Moqdisho ayay  kaga Hadlayeeen fara galin la sheegay in madax waynaha maamulka puntland Faroole uu fara galin ku hayo Sooxulida Xubnaha uga qayb galaya maamulka khaatumo xildhibanada dawlada soomaliya

Kulankaas oo ay ka sooqayb galeen masuuliyiin aad utiro badan oo isugu jira Golaha G10 Golaha madax tooyada Golaha dhaqan iyo xubno wasiiro inadhawalaba kusugnaa magaalada moqdho ee caasimada dalak Somaliya

Ugu horayn Waxaa kulankaasi kahadlay Garaad Jaamac garaad Ismacaiil oo kamid ah odayaasha dhaqanka Ee maamulka khaatumo waxa uu ugu horayn caalamka ugu baaqay inay ilgaara ku eegaan fara galinta ba,an ee faroole ku hayo Sooxulida Xildhibadanada Beesha islamrkaan ay xor uyihiin iyaga aanayna udulqadanayn cidkasto oo fara galin kusamaysa

Sidoo kale waxaa iyaguna Gobtaas ka hadlay Ugaas cabdilaahi Ciise iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo iyaguna kahadlay arinta fara galinta  iyagoo sheegay in dastuurka ay ku qoran tahay ina odayaasha dhaqanka ay iagu xor u yihiin cida ay beesha umatalaysa ay iyagu awood u leeyihiin inay soo xulaan.

Ugu dambayntii waxaa kulankaas soo afmeeray Madaxwayne Cabdi Nuur Biindhe oo isagu kamid ah golaha madah Tooyada maamulka khaatumo, isagoo sheegay ka maamul ahaan inaan udul qadanayn faragalinta qaawan.

riix halkan si aad udhagaysato

 

 

By: Axmed C/qaadir Jaban(Axmed Darwiish)

Admin> Khaatumo State

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>