Wararka kaimanaya dhinaca magaalada hargaysa ayaa sheegaya in maanta uu madaxwaynaha maamulka snm siilaanyo uu umagacaabay kaysi cabdi yuusuf wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada bari taas oo uu ugu magacaabay inuu xaliyo xaalada colaadeed ee goboladaa kataagan.
magacaabidan maanta loo magacaabay kaysi cabdi yuusuf wasiiru dawlaha nabadaynta gobolada sool sanaag iyo cayn ayaa kasoo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada maamulka siilaanyo c/laahi maxamed daahir cukuse ayaa lagu sheegay magacaabida xilkaasi.
kayse cabdi yuusuf ayaa isagu horay ahaa mid kamid ah ururkii SSC ee isagu mar kajiray deegaanada sool sanaag iyo cayn isagoona ugu danbayntii siyaasadiisu ay fashilantay isla markaana iska dhiibay dhinaca maamulka snm ee looga arimiyo hargaysa.
madaxweynaha maamulka snm siilaanyo ayaa shaaciyay in loo baahanyahaya xalinta khilaafaadka iyo habsami usocodka arimaha nabadgalyo iyo tan siyaasadeed ee gobolada bari taasina ay sababtay magacaabida jagadan wasiiru dawlanimo ee wasaarada nabadaynta gobolada bari ee iyagu hoos tagaya maamulka uu haatan horkacayo siilaanyo.
wasiiru dawlaha nabadaynta ee maanta uu magacaabay siilaanyo kayse cabdi yuusuf ayaa isagu ahaa gudoomiyaha urur siyaasadeedkuu SSCD ee iyagu kamid ahaa 9 urur ee laga reebay tartanka madaxtinimo ee maamulka siilaanyo uu haatan gudoominayo .
magacaabidan maanta uu umagacaabay siilaanyo wasiiru dawlaha nabadaynta ee gobolada bari ayaa iyadu ahayn mid aan wax saasa kabadalayn gobolada bari oo ay kaw katahay magaalada buuhoodle ee caasimada gobolka cayn oo haatan siilaanyo kufashilmay qabashadiisa iyadoona ciidamada naftooda uhurayaasha ee maamulka khaatumo ay difaac ugu jiraan sidii ay iskaga caabin lahaayeen ciidamada huwanta ee snm ee iyagu dulmiga ugu socda deegaanada maamulka khaatumo.
By: Axmed C/qaadir Jaban(Axmed Darwiish)
Buuhoodle Khaatumo State
Admin@khaatumo.comGo to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterLeft Widget Zone
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterRight Widget Zone
© 2012, ↑ Khaatumo.com
Log in- Posts - Add New - Powered by WordPress - Designed by Gabfire Themes
Recent Comments