Home » News » slidernews » Ciidamada Maamulka Soomaaliland Ee Gobolka Sool Oo Maata Jeelka Utaxaabay Wariye Maxamed Shaqale

Ciidamada Maamulka Soomaaliland Ee Gobolka Sool Oo Maata Jeelka Utaxaabay Wariye Maxamed Shaqale

Maamulka Somaliland oo si duulaan ah ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood u taxaabay mid kamid ah weriyayaasha caanka ah ee kusugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, weriyahan la xiray oo lagu magacaabo  Maxamed Shaqalle Cashuur ayaa xabsiga loo taxaabay duhur nimadii maanta xili uu kusugnaa bartamaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Weriye Maxamed Shaqale oo in mudo ah kusoo dhex jirey warbaahinta Somalia ayaa lasoo shaqeeyey idaacado caan ah, website yo, TV-yada afsomaliga ku hadlaya iyo hay’ado warbaahineed oo kala duwan, Mamed shaqale ayaa isagu ka hawalgali jiray Tvga Caalamiga ah ee Somalisat isagoo uga soo waramijiray magaalada laascaanood

Duhurnimadii maanta ayaa weriyahan waxaa xabsiga u taxaabay ciidamo uu wato  Taliyaha Ciidanka Booliska Ee Gobolka Sool ugu magacaaban maamulka la baxay Somaliland ninka magaciisa la yiraahdo Cali Qase, kaasoo dhowaan loo dhiibey xilka  Taliyinimo gobolka Sool kadib markii la waayey cid kale oo qabata iyadoo dadkii aqoonta lahaa ku gacan saydheen inay la shaqeeyaan maamulka SNM.

Maxamed Shaqale  weriyaha ay xireen ciidamada maamulka Somaliland ayaa xiligan kujira xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood waxaana socda dedaal loogu jiro sidii uu dib ugu helilahaa xoriyadiisa, xariga loogeystey weriye Maxamed ayaa kamid ah tacadiyada ka dhan ka ah xusuuqda suxufiyiinta oo maamulka Somaliland kula kaco weriyayaasha gobolka Sool tan iyo markii uu halkaasi qabsaday.

Lama oga ilaa hada sababta loo xiray weriye Maxamed Shaqale oo ah suxufi hawlihiisa si daacad nimo ah u guta aana ku xadgudbin sharciga saxaafadda.

Dhamaan weriyayaasha ka hawl gala gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa canbaarayn dusha uga tuuray talaabadan fool xumada badan ee lagu xiray Wariye Maxamed Shaqalle waxayna ku baaqeen in xoriyadiisa loosoo celiyo.

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>