Degmada Ceegaag Oo Laga Hir Galiyay Xarun Caafimaad(Daawo Full Video)

Waxaa Maalintii Shalay Si Rasmi Ah Looga Furay Deegaanka Ceegaag Ee Katirsan G/ Cayn xarun caafimaad oo loogu tala galay in lagu fuliyo adeegyada caafimaad ee ay ubaahanyihiin bulshada ku dhaqan deegaanka ceegaag ee katirsani G/ Cayn
Waxaana degmada Ceegaag si rasmi ah looga dhamaystiray Xarun Mch ah oo loogu talaya galay inay adeegyada caafimaad ka helaan bulshada kunool degmada ceegaag
Xaruntani Waxaa Hirgaliyeenta iska kaashaday Ha,yada Waxbarashada IYO marinta reer Miyiga ee loo yaqaano iscerdo iyo Goverment alberto oo kamid ah Gobol Kuyaala Wadanka Canada 00 gacan ka gaystay Dhismaha Xaruntani
Ugu horay Waxaa Madax ka hadlay Cabdi Xaaji Cali Clmi Abdi Riigle oo ah Howladeenkii Dhismaha Xaruntani kana Warbixiyey
Dhinaca kale Halkaasi Waxa ka hadlay Gudoomiyaha jamacada Nugaal Nugaal Pro Cabdi Risaaq Maxamed aadan Lafoole oo xariga ka jaray kana hadlay ahmiyada ay Bulshada Ceegaag ugu fadhido Xaruntani caafimaad.

Dhinaca kale Waxa halkaasi ka hadlay Qaarkamid ah Cuqaasha iyo Waxgaradka Degmada Ceegaag oo soo dhaweeyey Xaruntani Caafimaad Cuqaashaasi oo kamid ahaayeen Caaqil Abdi Jamac gaydh iyo Caawqil Cawil Cali abokor iyo Sigaasiga abdi dhere Cali abokor.

Maaha Markii ugu horaysan Ha,yada Waxbarshada iyo Horumarinta reer Miyiga ee Iskeerdo Barmaamijyo Noocan oo kala ah ka fuliyeen Degmada Ceegaag Waxa talaabadani haatan soo dhawey BULSHADA DEEGAANKAASI