Ciidamada Dawlada Kmg Ee Soomaaliyo Oo Kaashanaya Kuwa Itoobiya Oo Lawareegay Degmada Buur-hakaba

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo iskaga cararay Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay, ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamadda Dowladda Itoobiya.

Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay xalay xilli dambe ay si rasmi ah ay ula wareegeen gacan ku heynta Degmada Buur Hakaba, oo ay ka arrimin jirtay Xarakada Al Shabaab.

Xarakada Al Shabaab ayaa iskaga baxday Degmada Buur Hakaba, ka gadaal markii ay ka war heshay inay ku soo wajahan yihiin Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamadda Dowladda Itoobiya.

Degmada Buur Hakaba ayaa xilligaan si rasmi ah u soo gashay gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, waxayna ka caawin kareysaa qorshaha ay ku dooneyso inay ku wada qabsato Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose, maadaama Degmada Buur Hakaba ay xuduudo la-wadaagto Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

By: Moha Salad Production

Laascaanood Khaatumo State