Tartan kubada cagta oo lagu maamuusayo bisha Barkeysan ee Ramadaan ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubada cagta ee magaalada Bosaso Banderqaasim estadium, tartankan kubada cagta ah oo ay soo agaasintey Wasaarada Sports-ka dawlad goboleedka Puntland ayaa waxaa kutar tami doona 12-kooxood oo kadhisan magaalada Bosaso.
Waxayna isugu aadeen kooxaha,
Group A Group B Group C Group D
Fc: Xidigaha Fc: Kaah 26-ka Juun SYL
Ex Qalaafe Fc: LTC Fc: Santos Beeraha
Ex Tawakal Tawakal Fc: Golciise Fc: Jawle
Furitaanka koobkan bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa kahadley gudoomiyaha Dhalinyarada iyo Sports-ka gobolka Bari Mustafa Cabdiraxmaan Majacase wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ciyaartoyada ka qayb qaadanaya tartankan ciyaaraha kubada cagta ay ilaaliyaan anshaxa kubada isla markaana ku dedaalaan inuu si nabad galyo ah ku soo dhamaado tartankan inta uu socdo.
Sidoo kale Gudomiyaha Dhalinyarada iyo Sports-ka gobolka Bari Mustafa Majacase waxa uu umahad celiyey gudiyada 16-xaafadood ee magaalada Bosaso oo uu sheegay in ay siwanaagsan ay uga qeyb qaateen siduu uqabsoomi lahaa tartankan kubada cagta ee bisha Ramadaan.
Deegaanada Puntland ayaa siweyn looga ciyaaraa qeybaha kala duwan ee Sports-ka inkastoo dhlinyaradu ay intabadan culeyska saaraan ciyaaraha kubada cagta oo siweyn looga jecelyahay Puntland.



Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterLeft Widget Zone
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterRight Widget Zone
© 2012, ↑ Khaatumo.com
Log in- Posts - Add New - Powered by WordPress - Designed by Gabfire Themes
Recent Comments