Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Maanta Booqasho Kutagay Magaalada Afgooye

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu kulamo la yeeshay Odayaasha magaalada kuwaasi oo Madaxweynaha u gudbiyay cabasho ku aadan dhac iyo kufsi oo ay ku hayaan qaar ka mid ah ciidamada dowladda.

Madaxweynaha Dowlada KMG  ayaa marka uu dhageystay cabashada Odayaasha iyo dadka kale ee deegaanka ah waxaa uu kulamo la qaatay Saraakiisha ciidamada dowladda kuwaasi oo uu kala hadlay inay wax ka qabtaan dhibaatada ka taagan Afgooye.

Booqashada uu Madaxweynaha ku tagay magaalada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii ay Odayaasha magaalada ay ka codsadeen in uu yimaado magaalada si dhibaatada ka taagan uu u arko.

Sheekh Shariif ayaa waxaa socodaalkii Magaalada Afgooye ku wehelinayay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya waxaana si weyn loo  adkeeyay amaanka wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye oo hada ka hor mar qatar ku gali gaaray.

 

 

By: Moha Salad Production

Laacsaanood Khaatumo State

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX