Home » News » W A R A R K A » Kusoo Dhawaada Waraysi Gaar Ah Oo Warbaahinta Khaatumo Layeelatay Prof: Abdihalim Adam Wali

Kusoo Dhawaada Waraysi Gaar Ah Oo Warbaahinta Khaatumo Layeelatay Prof: Abdihalim Adam Wali

Kusoo dhawaada waraysi gaar ah oo ay warbaahinta khaatumo  layeelatay prof: da,da yar ee abdihalim adam weli abdi hussen oo isagu kamid ah macalimiinta da,da yar ee iyagu haatan wax kadhiga gudaha gobolka sool khaasatan jaamacada nugaal university .

ugu horayn prof: da,da yar waxaanu waydiinay isla markaana kawaraystay taariikhdiisii iyo waqtigii uu bilaabay waxbarashada iyo tacliinta  waxana uu kubilaabay hadalkiisii sidatan.

waxaan kudhashay laascaanood  waxaana waxbarashada dugisha hoose bilaabay sanadkii 1996 anoona  dugsiga  hoose aan kuqaatay  laascaanood khaasatan dugsiga imaamu shaafici , waxaana dhameeyay dugsiga hoose sanadkii 2000 anoona isla markaana bilaabay marxalada kuxigta ee degsiga dhexe anoona sanadkii 2001 bilaabay dugsiga dhexe kaas oo aan kudhamaystay dugsiga imaamu shaafici ee dhexe sanadkii 2004 iyadoona aan secondarigaygii  bilaabay sanadkii 2004 isla markaana uu ahaa secondry aan bilaabay waqtigaa ilays secondry school oo aan kabaxay sanadkii 2007 waxaan bilaabay isla sanadkii 2007  jamacada nugaal university oo iyadu kutaal g/sool khaasatan magaalada laascaanood .

su,aasha labaad ee aanu waydiinay ayaa ahayd waxyaalaha usuurto galiyey inuu aqoon intaas leeg yeesho isagoona kujawaabay sidatan.

waxaaan wax ka bartay websites online ahaan, waxaan wax barashada bilaabay 1995 hadana waxaan dhameyey jamacdi 2011, waxana uu sidoo kale  sheegay inuu   islamarkaa kanoqday macalin  dhiga jaamacada nugaal university khaasatan  luqadaha computerka badankooda, iyo weliba computerka oo dhan.

suaadha sadexaad ee aanu  waydiinay isla markaana aanu kawaraysanay   ayaa ahayd bal waxyaalaha uu doonayo inuu gaadho .

isagoona profka da,da yar noo sheegay inuu doonayo inuu noqdo programmerayste kaas oo kahawl gala gudaha g/sool isagoona sheegay inuu xiisaynayo isla markaana jecelyahay dhulkiisa hooyo doonayana inuu waqtigiisa iyo cilmigiisa uga faaideeyo dadka walaalihiisa ee kunool gudaha magaalada laascaanood.

suaasha ugu danbaysay ee aanu waydiinay prof: abdihaliim adam wali ayaa ahayd caqabadihii kahoryimid mudadii uu  kujiray waxbarashada iyo talooyinka uu usoo jeeidnlahaa dhalinta danaysa waxbarashada isagoona kaga jawaabay sidatan.

waxaan jeclaa markii hore inaan dibada aado kadib markii aan arkay akhyaar fara badan oo saaxiibo aanu ahayn oo aaday dibada anoona runtii arintaas ay igu abuurtay walwal isla markaana aan markii danbe gartay oo go,aansaday  inaan dalka wax kubarto isagoona sii raacsaday hadalkiis ayaa sheegay inuu kula talinayo dhamaan dhalinta kunool gudaha dalka soomaaliya inay ugu horayn aaminaan dalkooda isla markaana waxbarashadooda inta hoose kudhamaystaan dalkooda kabacidna jaamacada marka ay diyaarinayaan masterka kudiyaraiyaan dalka dibadiisa .

 

waraysigan uu siiyay prof: abdihalim adam wali warbaahinta allbuuhoodle.com  ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay jaamacada nugaal soo gabagabaysay tartan aqooneed ay uqabatay degsiyada sarsare ee kuyaal deegaanada ssc taas oo ugu danbayntii ay kuguulaysatay tartankaas ileys secondry school oo ahaa iskuulkii uu profku kusoo qaatay waxbarashadii sare taas oo cadaynaysa inay gudaha g/sool inay taalo aqoon iyo tacliin aad usaraysa .

 

 

By: Moha Salad Production

Laascaanood Khaatumo State

 

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>