lacag Loogu Deeqay Goroonka Caabudwaaq.

 Ayadoo Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud uu ka soconaya Dhismaha Garoonka Ugu wayn Gobolada Dhexe Ee Bartamaha soomaaliya isla markana haatan maraya Meel gabo gabo ah ayaa waxaa Garoonkasi lacag Ugu deeqay Ururka Galgaduud united youth for education and development oo ay ku midaysan Yihiin Dhalinyaro Kasoo jeeda Gobolka Galgadud.

Ururkani ayaa ugu deeqay Garoonka Magaalada Caabudwaaq Lacag gaaraysa 1000 Dollar-ka Maraykan ka ah taasoo Qayb ka noqon doona Lacagaha lagu dhisayo Garoonkaasi.

Gudiga Garoonka ayaa Sidoo kale Mahad Balaaran oga Celiyay Dhalinyaradani Iskood isku soo Xilqaamay Isla markaana Lacag ugu deeqay Dhamaystirka Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Caabudwaaq.

Dhalinyarada iskugu Tagtay Ururkani ayaa ku kala sugan Wadamo Farabadan oo Caalamka ah ayagoona inta badan kasoo dhex muuqda Howlaha lagu hor Marinayo Gobolka Galgaduud oo kamid ah gobolada ugu wayn dalka Soomaaaliya.

Gudoomiyaha Ururka galgaduud united youth for education and development  Maxamed Xassan Gelle ayaa Sheegay lacagta ay direen inay ugu tala galeen in ay ku caawiyaan Garoonka Caabudwaaq oo hadii uu dhismihiisu dhamaystirmo noqonaya Mid Wax wayn u tara Bulshada Ku nool Gobolka Galgaduud.

Sikastaba galgaduud united youth foer education and development  oo ah urur ay ku midoobeen Dhalinyaro Aqoon yahano ah ayaa Kaalin muuqda ka qaata Hadba Marxalada Taagan ee Gobolka lagu hor marinayo.