Wufuudii Khaatumo State ee ku Sugnayd Muqdisho oo Kulan balaadhan la yeeshay Safiirka Dalka Turkey u fadhiya Soomaaliya,{sawiro}.

Wufuudii balaadhnayd ee ka socotay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State, kana koobnayd Golaha sare ee dhaqanka Golaha fulinta ee G10 iyo weliba golaha wasiirada ayaa manta kulan balaadhan la qaatay Safiirka dawladda Turkiga u jooga dalka Soomaaliya Dr: Kani Torun , safiirka ayaa waxaa kulanka ku weheliyey madax sar sare oo ka tirsan hay’ada khariga ah ee dalka Turkiga u qaabilsan dibudhiska dalka Soomaaliya ee TIKA. Xubno kale oo safaarada ah iyo weliba  saraakiil kale, kulankan oo uu soo qaban qaabiyey Wasiirkii hore ee warfaafinta Boostaha iyo Isgaadhsiinta ee dalka Soomaaliya Dr: Abulkareem Hassan Jaamac, isla markaan ah xubin ka tirsan golaha G10 ayaa waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah golaha sare ee dhaqanka Khaatumo iyo weliba wasiirka amniga dawladda Khaatumo Col: Maxamed Saleebaan Ducaalle.

Dhinacada Khaatumo ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey walalaha Turkiga gacanta baxaada leh, ee ay ka gaysteen caawinta iyo gacan qabashada shacabka Soomaaliyeed. Iyo dedaalka balaadhan ee dawladda iyo shacabka Turkigu la barbar taagan yihiin walalahooda SOomaaliyeed guud ahaan. Iyo weliba martigelinta shirkii balaadhnaa ee 27kii may ka furmay Istanbul, kaasoo ahaa shirkii ugu balaadhnaa ee noociisa ah ee Soomaalida la isugu keeno ilaa heer oday dhaqameed.

Odayaasha dhaqanka ee khaatumo ayaa u bandhiga baahiyaha ka taagan deeganada Khaatumo oo aysan inta badan soo gaadhin deeqaha Caalamiga ah, iyo kuwa dawladda dhexeba, waxayna u sheegeen in ay u baahan yihiin inay helaan waxii xuquuq ah ee ay leeyihiin shacabka Khaatumo State.  Guud ahaan xubnihii shirka u matalayey Khaatumo ayaa si weyn u sharaxay madaxdii safiirku ka mid ahaa baahiyaha taagan ee shacabka Khaatumo.Dr: Kani Safiirka dalka Turkiga e Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdiisu ay daacad ka tahay arimaha Soomaaliya, isla markaana ay xaq tahay in si cadaalad ah loo helo dhamaan deeqaha ay bixiso oo dhulka Soomaaliya ay gaadhaan, wuxuuna sheegay in reer Khaatumo ay xaq u lee yihiin inay helaan mashaariicda. Ilaa hada waxyaalaha la isla afgartay in walalaha Turkigu wax ka qabtaan ayaa waxaa ka mid ah, Biyaha , Garoomada iyo waxbarashada oo ay si quman uga taageeri doonaan dawlad goboleedka Curdinka ah ee Khaatumo State.

Shirkan oo ka dhacay gudaha safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey waa dhexmara weftiga Khaatumo iyo heer safiir oo ka socda dalkaasi Turki.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX