Uganda oo Ciidamo dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya”

Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo cusub oo dheeraad ah ku xoojineyso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kadib markii loo soo gaba gabeeyay tababari guutooyin ciidamo ah.

Ciidamadan ay ugu tala gashay Uganda inay u soo dirto Soomaaliya ayaa gaaraya ilaa 3,237, kuwaasoo si qaas ah u tababaran, waxaana dhowaan tababar siiyay Ciidamo British ah, kuwaasoo ka saacidaya la dagaalanka Al-Qaacida.

Guutada 10aad ee Ciidamada Uganda ayaa waxay bedeli doonaan guutada 8aad oo dhowaan dib ugu soo laabanaya dalkooda hooyo.

Uganda oo ah dalkii u horeeyay ee Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika geysa Soomaaliya sanadkii 2007-dii ayaa ah dalka ugu badna ee Ciidamada u diray Soomaaliya, iyagoo hogaanka u haya howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa ka kala socda dalalka Uganda, Brundi, Jabuuti, Kenya, iyadoo la filayo in Ciidamo ka socda Sierra Leone inay ku soo biiraan howl galada ku baahay Gobolada dalka ee AMISOM kula wareegtay dhowr magaalo iyo deegaano Al-Shabaab gacanta ku hayeen.