Home » News » W A R A R K A » gudoomiyaha ururka (nusged) xuseen haaruun salaad oo ka warbixiyey wax qabadkooda.

gudoomiyaha ururka (nusged) xuseen haaruun salaad oo ka warbixiyey wax qabadkooda.


Gudoomiyaha ururka nusged xuseen haaruun salad oo ah urur ay ku midaysan yihin dhammaanba ardayda scholarship ahaanta ku dhigata Jaamacadda Nugaal University isla mar ahaantaana ah urur  hawlo xaga harumarinta bulshada aha ka sameeya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool. ayaa maanta mar Aannu  ku booqannay xafiiskooda ayuu   nooga warbixiyey wax qabadka ururka. Wuxuna soo bandhigay waxqabaddo fara badan oo uu ururku ka fuliyey magaalada tan laascaanood. Wuxuna sheegay in ururkiisu uu ka fuliyo bilksata oo ku began 17keeda olole nadaafadeed dhamaanba xaafadaha magaalada. Sidoo kelena ay ku beereen dhir qaybo  badan oo kamida magaalada laascoonood.

Sidoo kele waxay haatan gacanta ku hayaan olole nadaafadeed oo ah (diggen holls) qodida godad 1m ah oo ay guryaha hortooda laga qoday si ay xaafaduhu u helaan meel ay biyaha wasakhda ah iskaga shubaan taasi oo bedelaysa biyhii guryaha hortoda iyo dariiqyada lagu shubayey. Wxuuna gudomiyuhu sheegay inay hadda hiigsanayaan .inay waxbarsho bilaasha siiyaan dadka aan iyagu haysan inay iska bixiyaan qarashaadka iskuullada hoose lagu dhigto iyo inay caawiyaan say u horumarin lahaayeen ganacsatada yar yari ganacsigooda…

Halkan ka daawo sawirro…             

Xafiiska Waraka SHabakadda KHaatumo.com

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>