Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya Lagu soo gabagabeeyay Shir Dhawaanahanba Uga Socday Isimada Beel Waynta Daarood ee kusugan magaalada Muqdisho.
Waxaana Gabagabadii Kulankan Maanta laasoo Afmeeray Laga Soo Saaray Qodobo cul culus oo taabanaya Dhinacyo badan.
Qodobada Shirwaynaha Laga Soo Saaray Ayaa Waxaa Ugu miisaan Cuslaa Afar qodob Kuwaaas oo Dhamaan Madax dhaqmeedka Qoomiyada Daarood oo Gaadhayey 3o Ay Hoosta kaxariiqeen.
1) In Dirta Waqooyi Uga Baxdo Dhamaan Deegaanada Khaatumo State ee Ay ku Habsadeen, Islamarkaana Dhulkaas laga haysto guud ahaan Qoomiyada Daarood Ilaa Ethopia ilaa Kenya.
2) in wadada Ka imaanaysey Ethopia, Islamarkaana maraysa Galdogob Ilaa Garacad Aan laga duwin meesheedii.
3) In Isimada Qoomiyada Darood isku raacday Maamulka usumaynta Gobolada Jubooyinka, Islamarkaana Loo baxsho Juba Land kaas oo ku midaysan yihiin Qoomiyada Daarood iyo Beelaha Ladega.
4) In Qodobada Dastuurka ee lagu muran sanaa Ay meel wanaagsan Howshoodii Marayso, Islamarkaana Laga qayb qaato sidii loo Dhamayn lahaa khilaafaadka jira.
Isku soo wada duuboo shirwaynahan Balaadhan ee Madax dhaqmeedka Qowmiyada Daarood ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya Kii ugu baaxada waynaa ee Ay yeeshaan Dhawaanahan Madax dhaqmeedka beesha Daarood.
By- Axmed Darwiish
Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Madax Dhaqmeedka .
Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud
Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi
Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed
Ugaas Xuseen Ugaas Maxamed Ugaas Dhaqane
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
Garaad C/laahi Garaad Soofe
Ugaas Xuseen Ugaas Cismaan Nuur
Suldaan Faarax Suldaan Maxamed Cismaan
Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin C/raxmaan
Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Cismaan
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cali
Suldaan C/qani Suldaan Xasan Cali
Suldaan Subeer Xaaji Maxamuud Cali
Suldaan Cabdi Suldaan Cabdi Sonkor
Suldaan Xasan Yare Jaamac
Ugaas C/laahi Ciise Nuur
Garaad C/salaan Xasan Maxamed
Garaad Saleebaan Buraale Aw Aadan
Ugaas Axmed Bare Cali Xaabuun
Beeldaaje Jaamac Beeldaaje C/laahi
Admin@khaatumo.com
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterLeft Widget Zone
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterRight Widget Zone
© 2012, ↑ Khaatumo.com
Log in- Posts - Add New - Powered by WordPress - Designed by Gabfire Themes
Recent Comments