Top News – Cadow Toosiye Oo Isu Dhiibay Faroole.

Saleebaan Ciise Axmed{ Cadow-toosiye}, ayaa ka degay Garoonka Gaakacyo ee maamulka Puntland. Saleebaan Cadowtoosiye, oo ay weheliyaan xubno aan weli magacyadooda la shaacin ayaa waxaa halkaas kaga hortagay xubno calooshood u shaqaystayaal ah oo u adeega maamulka Faroole, qaarkoodna ay basaasiin u yihiin.

 

Waxaa la sheegay inuu markiiba u gudbay dhanka Magaalada Garoowe, oo la sheegay inuu kulan balansan yahay Faroole oo shegay inuu xil u hayo, walow aan la xaqiijin xilka rasmiga ah ee la siinayo, ayadoo ay wararka qaar sheegayaan in xilkii uu 4 sano ka ho diiday ee wasiirka ahaa qabanayo, halka wararkalena sheegayaa in C/Samad Cali Shire looga bedelayo booska uu joogo.

Cadowtoosiye oo mar ahaa nin shacabka reer Khaatumo u han waynaayeen , ayaa hada Nusbaarkii u danbeeyey madaxa iskaga dhuftay asagoo u dhaqmaya sidii Qof waalan oo kale.

Dhawaan ayey ahayd markii uu kulan lagu micneeyey baahi sheegasho la yeeshay Danbiile Siilaanyo oo danbiyo dagaal ka galay shacabka Khaatumo, asago ka qaatay xooga lacag sandareero ah.

khaatumo Online