Xaflad Lagu Dhagax Dhigayay Xurunta Agoomaha Magaalada Buuhoodle & Madaxwayne Maxamed Yusuf Jamac Oo Ka Qayb Galey{Warbixin+Sawiro}

Xaflad balaadhan oo maanta lagu dhagax dhigayay xarunta agoomaha ee magaalada buuhoodle xarunta g/cayn ayaa maanta ka dhacday magaalada buuhoodle ee xarunta g/cayn.

Xafladan oo uu ka soo qayb galay madaxwaynaha maamulka khaatumo state of soomaaliya isla markaana uu ku dhagax dhigay dhismaha loo asteeyay xarunta agoomaha magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaanba bulshada qaybeheeda kala gadisan.

Sida culimada gobolka,ganacsatada,waxgaradka,ururada dhalinyarada,ururada haweenka,waxaana ugu horeyn xafladaasi ka hadlay sheikh cumar sheikh cismaan oo ah culimada gobolka cayn kuwa ugu muga wayn waxaana sheikh oo soo dhaweeyay xarunta agoonta ee laga hirgaliyay magaalada buuhoodle dhismaheeda waxaana uu umahad celiyay qoyska reer maxamuud aw muuse oo bixiyay dhulka baaxadan leh iyo jaaliyada ka qayb qaadanaysa dhismahan xarunta.

Dhinaca kale waxaa isaguna madashaasi ka hadlay sheikh cumar soodaani oo isna ku dheeraday muhiimada ay u leedahay magaalada xarunta agoonta ee laga hirgalinayo magaalada buuhoodle iyo ajarka ku jira in agoonta loo sameeyo xarun lagu xanaaneyo waxna lagu baro.

Intaasi ka dib yaduna waxaa madasha ka hadshay caasha warsame caamiye oo ku hadlaysay afka ururka haweenka waxayna siwayn u soo dhawaysay xarunta agoonta iyadoo xustey inay siwayn uga qayb qaadanayaan dhismaha xarunta agoomaha ee magaalada buuhoodle.

Ugu danbayntii waxaa xafladaasi ka hadlay madaxwaynaha maamulka khaatumo state of somaliya maxamed yuusuf jaamac halac waxaana uu madaxwaynahu uu waxaa ugu horeyn umahad celiyay qoyska bixiyay dhulka laga dhisayay xarunta agoonta reer maxamuud aw muuse iyo ururka gurmad oo isaguna ka qayb qaatey dhisitaanka xaruntani.

Sikastaba ha,ahaatee xafladan ayaa waxaa ay ku soo dhamaatey jawi aad u wanaagsan oo faraxadi ku dheehantahay waxaana laga dareemayaa in magalada buuhoodle horumar balaadhan oo dhinaca wax qabadka iyo dhaqaajinta maamulka oo ay siwayn wax uga qabteen shacabka buuhoodle.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

By -Xamse xasan geelle Buuhoodle khaatumo state of somaliya