Home » News » slidernews » Taliska Ciidanka Nabadsugida Oo Soo bandhigay Hub Iyo Maleeshiyaad Ka Tirsan Shabaab

Taliska Ciidanka Nabadsugida Oo Soo bandhigay Hub Iyo Maleeshiyaad Ka Tirsan Shabaab

Taliska Ciidamada Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada muqdisho ku soo bandhigay hub iyo dhalinyaro ka tirsan kooxda al shabaab kuwaas oo laga soo qabtay dagmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugiidda Gobalka Banaadir Qaliif Axmed Erag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay xalay kooxda shabaab ku qaadeen xurun ay ciidanka nabadsugidda ku lahaayeen dagmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa xusay ay ciidamadu ay ahaayeen kuwo feejigan sidaa daraadeedna ay fashiliyeen ka hor inta ay weerarka ku qaadin xarunta ay ciidamadu ku lahaayeen dagmaadaasi.

Khaliif Axmed Erag ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday iyo hub ay wateen waxa uuna carabka ku dhuftay in hubka ay weerarka ku soo qaadeen ay ahaayeen qoryo ay ka soo saareen dhul hoostiisa.

 

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>