Sawirada Munaasibadii Maanta + Warbixin (Live)

Waxaa maanta ka dhacday Magaalada Buuhoodle ee Xaruta Gobolka Cayn Munaasibad balaadhan oo Xadhiga looga Jarayey Xafiiska Maamulka Gobolka Cayn iyo Degmada Buuhoodle ee Maamulka Khaatumo State Of Somalia, Sidoo kalana lagu magacaaabay Maayarka Degmada buuhoodle ee Maamulka khaatumo State.

Ugu  Horayna ayaa Waxaa madashaasi xadhiga ka jaray Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaacam “Halac” Oo kamida golaha madxatooyada Maamulka khaatumo State waxaana dhamaan Shacabwaynuha markaasi ku dhufteen Sacab iyagoo dareenkoodu kacsan yahay.

Markii laguda galaya Xaflada ayaa Waxaa Lagu Furay ayaadaha quraanka Kariimka ah Waxaana intaasi kadib laguda galay Xafalda Iyo Daah furkeeda.

Waxaa Ugu Horayn Halkaasi Kahadlay maayirka Cusub ee Degmada Buuhoodle C/casiis Ducaale Qambi waxuuna ka hadlay Howlaha qaran ee looga fadhiyo Sidoo kalana waxuu ka hadlay arimo Dhowra.

Shiikh Maxamuud Yuusuf dhuux oo kamida Culimada diinta ee gobolka Cayn ayaa halkaasi ka jeediyey Wacdi kooban kuna dheeraday muhiimada ya leedahay Inlays kaashado.

Cheif Caaqil C/laahi Yuusuf Kooreeye & Caaqil Aadan Cali Axdar oo ku hadlay Afka Cuqaasha Gobolka cayn ayaa Dhankoda Siwayn Usoo dhaweeyay Horumarka Maamulka Sidoo kalana bulshada ku booriyey Inay Kaqaybqaataan Horumarinta dalka & sidii cashuuraha loo fududayn lahaa bixintooda.

Haweenka Gobolka Cayn ee Qaybta laxaadka leh kaga Jira halganka deegaanada Khaatumo State ayaa dhankooda Siwayn Usoo dhaweeyay Xafiiskan loo furay Maamulka Degmada & Kan gobolka Isla markaana waxay hoosta ka xariiqeen Inay Garab istaagayaan maamulka Gobolka kan degmada  – Sidoo kalan ayba hormuud ka noqonayaan.

C/raxmaan Maxamed Axmed Gudoomiyaha Gobolka Cayn ee Maamulka Khaatumo State ayaa dhankiisa Halkaasi ka hadlay wuxuuna ku dheeraaday arimo laxdhiidha Maamulka Gobolka Cayn.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyada oo Isna Munaasibadan Qiimaheedu  Qudbad kooban ka jeediyey ayaa ka hadlay Arimo laxiidha Wasaarada maaliyada , wax yaabaha loo sameeyay Shuruucda & Arimo laxidhiidha doorka Cashuuraadka.

Yaasiin Axmed Sulub Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Khaatumo State ayaa dhankiisa xafladaasi ka hadlay wuxuun halday arimo badan oo quseeya Howlaha maamulka & Sidoo kalana wuxuu ugu baaqay dhamaan Bulshawaynta Deegaanka Buuhoodle inay baneeyaan Guryaha Ay lahayd dawladii dhexe ee dalka Soomaaliya iyadoo loo eegayo waqtiga islamarkaana aysan jirin wax qasbid ah oo loo gaysanyo , Si loogaga  shaqeeyo danta guud ee Umada.

Madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac “Halac” oo kamida golaha madaxtooyada Maamulka Khaatumo State oo Soo xidhay gabagabadii Munaasibadan ayaa ku hadlaya Arimo dhowra oo laxidhiidha horumarka bulshada khaatumo State, Dar daaran ujeediyay Shacabwaynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle, Sheegay in maanta wixii kadanbaysa ay lashqaynayaan Maamulka gobolka iyo kan degmada Buuhoodle, Madaxduna ay kadhaxayso Dhamaan Deeganada Khaatumo State.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxwaynu ka hadlay Arimo Laxdhiidha, Cashuuraha, dadka kala fogayna shacabka khaatumo, Warkii Dhawaan kabaxay Tvga Universal, Ariha qorshaysan ee dhanka Magacaabista Degmooyinka kale & qodobo kale oo laxidhiida Deeganada Khaatumo State.

Gagabadii Xafladana ayaa kusoo idlaatay Jawi aad uwanaagsan Waxaana Dhamaan shacab waynaha laga dheehanayey Dareenka Farxadeed ee Kamuuqday.

Writher – By Axmed C/qaadir Jabaan {Axmed Darwiish}

Sidoo kale hoos kadaawo Swairada Xafladaasi.

Khaatumo.com – Codka Dawlada  – Khaatumo State

Fadlan ilaali – Xaquuqda Sawirada