Home » News » slidernews » Cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS oo ku sii wajahan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere G/Gedo

Cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS oo ku sii wajahan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere G/Gedo

Dhaqdhaqaaq Melleteri ayaa laga dareemayaa deegaanno ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada hoose kadib markii ay halkaasi u dhaqaaqeen cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS oo dhawaan soo dhameystay tababar ciidan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa Radio Muqdisho u sheegay in saacadaha soo socda ay ciidamada XDS la wareegi doonaan degmooyinka Buurdhuubo, Baardheere iyo magaalada Kismaayo oo ah meelaha ay ku xoogbadanyihiin malleeshiyaadka Shabaab, iyadoo ay haatan deegaannadaasi ku sii wajahanyihiin ciidamo ka tirsan XDS oo aad u heysan isla markaana dhawaan tababar ku soo dhameystay ggudaha degmada Dowlow.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa isna rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay dhawaan la wareegidoonaan deegaannada Buurdhuubo iyo Baardheere oo ah Labada meelood ee malleeshiyaadka Alqaacidda kaga suganyihiin gobolkaasi, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay saacadaha soo socda xoreyndoonaan deegaannada ka magan gacanta maamulka gobolka Gedo.

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>