Home » News » slidernews » Buur madow Oo Laxukumay & Beeshiisa Oo Hanjabtay.

Buur madow Oo Laxukumay & Beeshiisa Oo Hanjabtay.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo saaka u fadhiisatay ku dhawaaqida Go’aanka Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow ayaa ku go’aamisay Hal sano oo xadhig ah.

 

Garsooraha Dacwada qaadayay Cismaan Fanax ayaa gabi ahaanba laalay qoddobadii Xeer ilaalintu ku soo Oogtay boqor Buurmadow ee kala ahaa qoddobadda Jabhada SNM u yaal ee 212 &  215 oo sheegayay in Boqorku dibeda dalka ka soo maleegayay mijo xaabin Jabhada SNM.

 

Hase yeeshee waxa uu xukunkiisa u adeegsaday qoddobka 68 ee Xeerka Habka Ciqaabta oo dhigaya Dhaleecayn iyo Ceebayn uu kula kacay Horjoogayaasha Jabhada SNM sidaas daraadeed ciqaabta uu ka mutay ay tahaya Hal sano oo xadhig ah.

 

Xeer ilaaliyaha Jabhada SNM oo wax laga weydiiyay Xukunka lagu riday Boqorka dhinacooda sida ay u arkaan ayaa sheegay inay ka tashanayaan.

 

Sidoo kalana Beesha beryahanba laga fadhiisan waayey ee bariga burco ayaa ku hanjabtay inaysay Buurmadoow ku eeganay Xabsigaasi uu dhiigyacab Siilaanyo ku riday waxayna wacad kumareen ina talaabo qaadi doonaan.

Khaatumo Online

 

Khaatumo Online

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>