Bayaan Jaaliyada Axmed Garaad Ee Wadanka UK Kasoo Baxay (Akhriso)

Waxaa taariikhdu markay ahayd 30-06-2012 shir isugu yimi Jaaliyada Axmed Garaad ee UK shirkaas oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee jaaliyada reer UK.

Waxa si aada looga wadahadlay xaaladaha wadanki marayo iyo waxayaabaha udanbeeyay ee ka dhacayaya wadankii ,waxaa kaloo aad laysula lafaguray dhinaca nabadgelyada iy difaaca.

Waxaa kaloo aad loogu dheeraaday in laga qayb qaato horumarka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha raadinta mashaariic looga faa’iidayo dadkii iyo dalkii ,sida tayaynta waxbarashada, caafimaadka, wacyi gelinta bulshada iyo in la sameeyo isku xidh Hayadaha deeqa bixiya iyo degaankii. Waxaa kaloo aad diirada loo saaray in ay waajib tahay in la dhex galo lana kala qaboojiyo colaada kataagan degaanka Docmo dadkaa walaalahadhiigooda lakala badbaadiyo . Waxaan gunaanadkii shirka kasoobaxay qodobadan.

1-In lamideeyo dhamaan beesha Axmed Garaad

2-In la xushmeeyo lana shaqeeyo dadka aynu dooranay ee ina metela

3-Waxaa ku waajiba qof kasta iyo koox kasta oo doonaysa inay ka shaqayso danaha maslaxada dadka iyo dalka Inay haday tahaydhaqan ay ogolaansho uga haystaan golaha dhaqanka, Hadaytahay siyaasadna waa ianay ogolaansho kahaystaan maamulka khaatumo State.

4-In uu waajib yahay difaaca degaanka si buuxdana loogawada qayb qaato il dheeradana laagu hayo dalriixa iyo bara kicinta lagu hayo dadaka reer guraga ah.

5-In laga qayb qaato sidii loo tayayn lahaa waxbarasha degaanka kor u qaadista aqoonta macaliimta dhiiri gelinta. 6-In tiro ahaan lakordhiyo iskuulada layskana kaashado sidii loo samayn iskuulo cusub Laybaereeriyo,dhmaystika ,jaamacada,iyo dhamaan baahida waxbarasho ee jirta.

7-in la abuuro mashaariic maxaliya kuwaas oo aan ubaahnayn dhaqaalo badan iyo aqoon badan midna sisahala loo samayn karo sida ka faaiidaysashada shinida samaynta weelka dhoobada ah dhaqashada digaaga megdinta hargaha qalajinta caanaha iwm.
8-in la abuuro hayado maxaliya sida ngo lalaguna garabgalo sidii ay qayb uga heli lahaayeen deeqaha aduunku bixiyo sida Turky, Oxfarm, US AID, UAE iwm.

9-In si dhakhsa ah loo dhaystiro airport buuhoodle gudiduna si dhakhso ah u biloowdo lacag ururintii mudo koobana lagu soo xareeyo saamigii uk.

10 –Waxay Jaaliyada Axmed Garaad ee UK baaq nabadeed udirayaan inay dadka walaaha ah Ee mashaqadu ku dhex martay docmo sidhakhso ah ujoojiyaan colaada una dhega nuglaadaan una qabsoomaan waxgardka xalraadiska ah.
11-waxaa kaloo aan ka codsanaynaa golaha dhaqanka garaadad,ugaasyada salaadiinta reer khaatumo inaaany arinta fudaysan soona dhex galaan doorkoodiina kaqaataan

waad mahadsantihiin
I.C.Codanle
LONDAN U.K

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX