Home » News » slidernews » Booliska Dalka Kenya oo qabtay rag qaraxyo Gaysan Rabay.

Booliska Dalka Kenya oo qabtay rag qaraxyo Gaysan Rabay.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday iney fashiliyeen qaraxo la damacsanaa in lagu weeraro goob uu khudbeynayey madaxweynaha dalka Mwai Kibaki oo ku taala magaalada Nukuru oo gobolka Rift Valley.

Waxay intaa ku dareen saraakiisha Kenya in ay qabteen labo nin oo Kenyaati ah kuwaasoo watay bam gacmeedyo ay doonayeen iney ku weeraraan goobta uu ka khudbeyn rabay madaxweynaha dalkaas oo ku taala Magaalada Nakuru.

“Raggan bambooyinka watay waxaan qabanay ka hor inta uusan madaxweynaha soo gaarin goobta uu ka khudbeynayey waxay u dhasheen dalka Kenya waxayna doonayeen bambooyinka ay wateen iney ku tuuraan madaxweynaha marka uu halkaas yimaado” sidaa waxaa yiri taliyaha booliska ee magaalada Nakuru.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in raggaas markii ay su’aalo weydiiyeen ay qirteen iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab, ayna tababar ku soo qaateen Somalia, iyagoo xusay iney loo soo diray siidii ay qaraxyo uga geysan lahaayeen gudaha dalka Kenya.

Dhowaan ayey aheyd markii qaraxyo bambaano lagu weeraray kaniisado ku yaala magaalada Gaarisa ee gobolka woqooyi bari Kenya kuwaasoo ay ku dhinteen 17 ruux halka 50 kale ay ku dhaawacmeen.

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>