Saraakiil Ka Degay Magaalada Muqdisho

Saraakiil boolis ah oo ka socda wadanka Siiraaliyoon ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Saraakiishan oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa la dajiyey xerada Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Sida uu Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho goordhow u xaqiijiyey Saacid Maxamed Amiin oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM.

Saacid Maxamed Amiin waxa uu sheegay in Ciidamada maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ay tiro ahaan gaarayaan ilaa 31 Sarkaal kuwaas oo uu sheegay in lix ka mid ah ay yihiin haween.

Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM Saacid Maxamed Amiin waxa uu hadalkiisa intaa raaciyey in Ciidamadan ay ka howlgalayaan Xamarweyne, Hodan, Madiina iyo goobo kale.

“Sidaan kuu sheegay waa 31 Sarkaal, maanta ayey soo dageen lix ka mid ah waa haween, waxay u yimaadeen inay caawiyaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxay ka howlgalayaan Madiina, Hodan, Xamarweyne iyo goobo kale” ayuu Idaacadda Risaala u sheegay Saacid Maxamed Amiin.

Tirada Saraakiisha Ciidamada Booliska ee ka socda AMISOM oo ku sugan Muqdisho ayaa ka dhigaysa 100 Sarkaal oo boolis ah iyadoo 69 ka mid ah ay ka socdaan Dalka Naygeeriya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX