Ururka KH.S.U.U waa dalladda guud ee ay ku midoobeen dhammaan ardayda khatumo ee wax ka barata jaamacadaha kala duwan ee dalka Uganda. Hadaanu nahay Ururka Ardayda wax wakabarata jaamacadaha kala duwan ee dalka Uganda waxaan halkaan Baaq Nabadeed uga diraynaa labada Beelood ee walaalaha ah ee Colaadu ku dhexmartay Degmada Docmo, ee gobolka Sool, waxaana walaalaha labada dhinac ugu Baaqaynaa inay Colaada si dhaqso ah u Joojiyaan, Dhibta iyo Dagaalkana Nabad iyo Walaaltinimo ku Bedelaan.
Waxaan leenahay; walaalayaal Tixgeliya walaaltinimada, Tolnimada, xigaanshaha, maamuuska iyo magaca guud ee gobolka colaadana joojiya idinkoo u danaynaya wiilasheena, gabdheheena, hooyooyinka iyo maatada kaleba ee u baahan in wax la taro ee aan dhib iyo colaad u baahnayn marnaba.
Walaalayaal tixgeliya Duruufaha adag ee aynu ku jirno Deegaan ahaan, tixgeliya, marxaladda uu maanta marayo deegaankeena, tixgeliya in colaadda iyo dhibka dhexdeena kadhaca uu farxad u yahay cadaw aan horumarkeena raali ka ahayn dad iyo deegaanba.
Nebigeenu (NBKH), Wuxuu Xadiis ku yiri macnihiisu ahaa “Qofka Mu’minka ah kama suulayo inuu Diintiisa u haysto si waasaca oo aan cidhiidhi lahayn inta aanu ku dhicin Dhiig Xaaraam ah”.
Waxaa jirta odhaah soomaaliyeed oo iyana odhanaysa “Colaada iyo Xabada wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho”.
Xubnaha sare ee Ururka ayaa soo jeedinaya inaan maanta dhexdiina looga baahnayn dagaal ee loo baahan yahay inaad dib ufiirisaan marxaladda aad ku jirtaan iyo xaaladi halkay marayso, aadna ogaataan inay jiraan dad badan oo cadawgiina dal iyo dibadba inay arrintani ka farxinayso. Maanta waxaa laydiinka baahanyahay inaad gacmaha isqabsataan oo midawdaan oo tixgelisaan walaaltinimada. Intaas oo dhan idinkoo tixgelinaya, waxaan idinka codsanaynaa oo idiin ku baaqaynaa inaad si shuruud la’aan ah colaadda ku joojisaan nabad iyo walaaltinimana ku bedeshaan.
Magacyadda Xubnaha Ururka Khatumo Students’ Union in Uganda (KH.S.U.U) Ee Fariinta Diraya:
1. Fuad abdinor mohamed
2. Xamdi ahmed hassan
3. Ahmed ali hurre
4. Mohamud abdi artan
5. Abdifatah Mohamed abdi
6. Abdirahman Mohamed said
7. Abdishafi farah mohamed
8. Bashir adan weli garaad
9. Abdul farah yusuf
10. Abdikani yusuf ali
11. Awil abdi bile
12. Aadan jama oogle
13.Said abdilahi aynab
14.Mohamed ali ma’alin
15Ma’alin yasin dahir
16.Abdirahman isse maxamuud
17.Mahdi abdirahman elmi
Wakiilka warbaahinta khaatumo.com- Uganda
Aadan Jaamac Oogle ( Xabeeb )
Bugema University
Admin@khaatumo.comGo to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterLeft Widget Zone
Go to Admin » Appearance » Widgets » and move a widget into FooterRight Widget Zone
© 2012, ↑ Khaatumo.com
Log in- Posts - Add New - Powered by WordPress - Designed by Gabfire Themes
Recent Comments