Full Video Dhibaatada Tvga Universal & Shacabka Buuhoodle (Daawo)

Darwiish Tv (Buuhoodle) Iyadoo xalay Laga Baahiyey Tv ga Universal oo Ku Caanbaxay waadayadan danbaba dhibaatada iyo hagardaamada oo ladaba joogo Maamulka Khaatumo & Dhamaan jiritaanka shacabwayanaha deeganada Sool Sanaag iyo Cayn.

Ayaa Maanta Waxaa siwayn Daroonkooda ugu dhiibtay Dhibaatada laxaadsatay ee Tvga universal uu kuhayo Shacabka Khaatumo Dhamaan Shacabwaynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn.

Dadka oo Siwayn Shucuurtoodu ukacsanayd Isuguna Jiray , Cuqaal, Ganacsato, Abwaaniin, Arday, Wariyayaal, Dhaliyaro, Haween, & Dhamaan Qaybaha kale ee Bulshada Ayaa Soo bandhigay Dhibaatooyin tirobadan oo Tvgan uu ka gaystay Deeganada iyo sidoo kale siduu uduudsiiyey Xaqa Shacabka Khaatumo ee Jabhada SNM duulaanka kusoo qaaday ilaa dagaalkii Kalshaale.

Sidoo kalana waxay Ugu baaqeen In Mulkiilyaasha Tvgaas ay kadigtooonaadaan inay Sii wadaaan Howlaha ay danaha gaarka ah kaleeyihiin kuna dhibayaan Shacabka Khaatumo

Sidoo kalana waxay ka hadleen Arimobadan oo qarsoonaa oo Tvgaas ka gaystay Deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Maamulka Khaatumo .

http://www.youtube.com/watch?v=BwMg3HLatCY&feature=youtu.be

By- Axmed Darwiish Darwiish Tv

Khaatumo Online