Dowlada Kenya oo wax ka bedeshay madaxdii ciidamada ee gobolka Waqoyi Bari

Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday in ay isku shaandheyn ku sameysey taliyayaashii ciidamada dalkeeda gaar ahaan gobolka Waqoyi Bari Kenya.

Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Waqoyi Bari Leo Nyongesa ayaa loo bedelay xarunta booliska magalada Nairobi isagoo madax loogaga dhaqay qeybta dacwadaha ee xarunta booliska ee magaalada Nairobi.

Taliyaha cusub ee booliska gobolka Waqoyi Bari Kenya ayaa loo magacaabay Philip Tuimur iyadoo bedelkana uu yimid maalmo kadib markii weerar ay koox hubeysan ku qaadeen labo kaniisad oo kutaal magaalada Garissa halkaa oo ay ku dhinteen illaa iyo 17ruux.

 

Kala bedelkan oo lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu badnaa oo muddosanooyin ah lagu sameeyo ciidamada dalka Kenya ayaa ku dhowaaqay kusimaha wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha ee dalka Kenya Yusuf Haji iyo taliyaha Booliska dalka Kenya Mathew Eteere.

Sidoo kale ciidamo boolis iyo kuwo keyd ah isugu jira oo gaaray illaa iyo 700 askari ayaa waxaa la geeyey magaalada Garissa si ay u ilaaliyaan xadka dalka Kenya uu la wadaago dalka Soomaaliya.

Isku shaandheyntan iyo kala bedelkan ayaa timid iyadoo dhowaan ay soo baxayeen warar sheegaya in dowlada Kenya ay waddo qorshe ay ugu xireyso xadka dalkeedu uu la wadaago Somaliya camerooyin lagu ogaanayo waxa soo galaya ama ka baxaya dalka Kenya.

Waxana madaxweynaha dalka Kenya Kibaki oo maanta ka hadlayay jaamacad kutaal dalka Kenya ayaa ugu baaqay shacabka dalkaasi inay feejignaadaan isla markaaan la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Kibaki ayaa waxa uu sheegay in dowladiisu ay ku bixineyso wax walba sidii amniga loo sugi lahaa, waxana uu intaa ku daray in dowladiisu aysan marnaba cabsi gelineynin weerarada lagu qaadayo dadka rayidka ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX