News- Siil aayo Oo Ciidamo U Diray Shir Beeleedkii Habar Yoonis ee ka Socday Buurta Daallo

Maamulka Siil.aanyo ayaa xalay ciidamo iyo gaadiid dagaal u diray shir beeleed ka socday buurta Daallo ee duleedka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyadoo maamulka uu ku dhawaaqay in shirkaasi la joojin doono.

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo laga diray Hargeysa ay xalay gaareen duleedka magaalada Ceerigaabo, iyadoo dhanka kalana waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan beelaha Habar Yoonis ee shirka ku leh buurta Daallo ay ka digeen in shirkooda la soo farageliyo.

Maamulka Siil.aayo ayaa shalay ku dhawaaqay inaysan u dulqaadan doonin sii socoshada shir beeleedka ka socda buurta Daallo isla markaana deg deg loo joojin doono, waxayna xukuumadda Siil.aayo shirkaasi ku tilmaantay mid ka dhan ah gooni isu taagga SNMta
Dhanka kale waxaa madasha shirka maalintii saddexaad ku sugan wasiirka arimaha gudaha maamulka Siil.aayo Maxamed Caraale Duur oo ka soo jeeda beesha shirka ku qabsameysa buurta Daallo. Waxaa fasiraad kala duwan laga bixiyey ka qeybgalka wasiirka ee shirka beeshiida ku leedahay buurta Daallo.

Waxgaradka ka qeybgalaya shirka ka socda buurta Daallo ayaa furitaankii shirka ee Jimcihii soo bandhigay cabashooyin iyo caddaalad darro ay sheegeen inay kala kulmeen maamulka Axmed Siilaanyo waxayna ka digeen inay ka faiirsan doonaan ka sii mid ahaanshaha maamulka Hargeysa, sida ay warbaahinta u sheegeen Suldaan C/weli Axmed oo kamid ah odayaasha ku sugan buurta Daallo ee shirka uu ka socdo.

Khaatumo Online

Fikradaha Akhristayaasha (0)




HALKAN HOOS RIIX