Shalay Danta Umadda Ssc- Maanta Danta Jeebka, Berri Xagee? Xaglo Vs Siilaanyo!

Saleebaan Ciise Axmed ayaa kulan hoose kula qaatay hodheel kira ah oo uu ka degan yahay magaalada Dubai Hogaamiyaha Jabhada SNM Dhiigyacab siilaanyo – oo ay ku maqan yihiin Boqolaal kamida shacabka khaatumo State dhiigoodii Xasuuq balaadhana ka gaystay deeganada Khaatumo.

Maxaa Isu keeni kara Siilaanyo & Saleebaan?

Waxaynu ogayn halka ay taagnayd qadiyada Saleebaan Ciise Axmed {Xaglatoosiye} wuxuuna dhowr jeer horay usheegay inuu san usocn Maamulka SNM ee dhibaatada laxaadsatay ku haya Shacabkeena, Halka berya horana lasheegay inuu fashilmay shir jaraaid oo dhaci lahaa Magaalada Jabuuti.

waxaana imika dhamaan shacabka khaatumo ee kalsoonida iyo mudnaantaba uhayey Saleebaan Ciise Axmed is waydiinayaan Sababta ku kaliftay inuu siilaanyo lafadhiisto, kuna farxo kulankiisa, Sidoo kalana lasheegayba in loosoo magacowday wax loogu yeedhay nabadayn.

Karaamada Iyo Sharaftii Xagla toosiye – Sidee uwiiqaysaa Arinkan ?

Waxaa jirta in dhamaan shacabka khaatumo ee dalka iyo debediisuba ay meel wayn kaga taalay xushmada ay uhayaan Hogaankii hore ee Ssc islamarkaana waxaana kulankani usii horseeday magac xumi iyo nusqaan ku timaada mustaqbalkiisa danbe.

Shacabku dareen sidee ah ayay Kamuujiyeen ?

waxaa jirta kadib markii warbaahinta maamulka SNM ee lagu daabacay warbixintan – ay shacabku siwayn uga cadhoodeen – kulaankaas aan haboonayn ee uu laqaatay Hogaamiyahada Jabhada SNM Dhiig yacab Siil-aanyo Oo xasuuqay shacabkii khaatumo, kuna sugan deegaanadoodi , imikana aanba wali ka joogsan.

waxayna wax laga yaq yaqsoodo ku tilmaameen taageeradii ay uhayeen – Mr saleebaan oo imika umuuqda inuu kadegay Jabhada SNM kuna soo biirayo xasuuqa lagu dadkiisa .

Saamaynta Arinkan Muxuu Yahay ?

Marka hore waxa wayn maaha in shaqsi ku biiro Jabhad ama maamul kale waxaana arinkani saamayn ku yeelanayaa Shaqsiyada Hogaankii hore ee Ssc – iyadoo ayna arinkani wax niyad jab ah ukeenayn Shacabka Khaatumo ee ay ka go antahay inay xoraystaan dalkooda.

Maxaa loogu sheekeeyay – Saleebaan Ciise – {Ila Qosol}

Waxaa Dhiig yacab Siilaanyo ugu sheekeeyay sheegayn inay kataageerayaan deeganada Khaatumo dhanka -waxbarashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm , qodobadaas oo dhan oo dhamaanba u muuqda kuwii dhaliyey markii horaba loo waayey Inay shacabka khaatumo Samaystaan Maamul ugaara oo baahiyasi oo dhanba daboola, waana qodobadii uu horay ugu doodi jiray Saleebaan Ciise Axmed {Xagla Toosiye}.

Sidoo kalana waxaa jirta in lasheegay inuu kala qayb qaadanayo sidii Jabhada SNM uqabsan lahayd deeganada kamaqan gacanta gumaystaha , wxii halkaasi ku dhimanaya aysan waxba kaqusayn has ahaatee – uu ujeedo dantiisa gaarka ah. {Nin meeli ucadahay Meeli Kamadow}

Maxaa Kajira in Warkan – Uunba Lasocon Xaglatoosiye ?

Mr Saleebaan ayaa si dhab ah uga hadlin qodobadan ay warbaahinta SNM daabacdeen laakiin waxaa sawirka ka muuqata sida uu ugu qanacsan yahay inuu la kulmo dhiig yacab Siilaanyo , Xirsi Gaabka Aqalka Morgan, Dhiigyacab Muuse Biixi, oo aynu og nahay halkay kala joogaan Shacabka Khaatumo & xasuuqay ka gaysteen deegaanada oo dhan.

<<<<<<<<<Aduunyada nin nooloow Maxaa Argti kuu laaban >>>>>>>>

Khaatumo Online