Home » News » slidernews » Faroole oo Afka Furtay Kuna Gacan Saydhay Shirkii London {Warbixin}

Faroole oo Afka Furtay Kuna Gacan Saydhay Shirkii London {Warbixin}

Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole ayaa naqdiyay kulan shalay magaalada Dubai ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno kasoxday Beesha Isaaq oo uu Hogaaminayey Hogaamiye Siilaanyo kaasoo ahaa midkii u horeeyay oo fool ka fool ah, kadib markii dhowaan wada hadalo ku yeesheen Magaalada London Gudiyo labada dhinac kala matalayay.

Mr Faroole ayaa ku tilmaamay in kulankaas uu ahaa Madaxwayne Shiriif & Horjooge Siilaanyo gaar u ahaa , balse aan dan Soomaaliyed ka turjumeyn, isagoo ku andacooday in wax aanay iyaga ku jirin aan loo dhameyn.

Mar uu ka hadlay kulankii London ayuu sheegay in horay warqado ugu qoreen Caalamka, isla markaana kulankaas dhankooda aanay cidna u matalin, waxaa uu xusay in xubno la qoray oo laga bedelay xubnihii iyaga wakiilka ka ahaa.

“Aniga iyo Siilaanyo shirka burcad badeedka ayaa isku gacan qaadnay, kulan Shariif iyo Siilaanyo mid gaar ah buu ahaa oo dowladda Imaaraadka Carabta ay isa tusisay, Siilaanyo wuxuu rabaa Ictiraaf, Shariifna olole doorasho ayuu Madaxweyne ku rabaa in mar kale ku noqdo, kulankaas wuxuu ahaa mid labadooda gaar ahaa oo aan dan Soomaali ku jirin”ayuu yiri Faroole.

Mr Faroole ayaa sidoo kale xusay in markii Nairobi ay wada joogeen isaga iyo Madaxweynaha uu u sheegay inay Imaaraadka ku kulmayaan Madaxweyne Siilaanyo, wixii uu u sheegay wax ka duwan uu kala hadlay sida uu yiri, kana muuqatay shirkii Shalay.

Waxaa uu sheegay in qodobo kooban oo ay ku heshiiyeen waxba soo kordhineyn, isla markaana kulanka uu ahaa mid labadooda quseeyay., isla markaana aanu isaga u cuntamin Maamulka Faroole iyo Dhamaanba maamulada Kale ee kajira Dalka Soomaaliya.

Maalinimadii shalay ayay aheyd markii Munaasabad ay soo qaban qaabisay Dowladda Imaaraadka Carabta ay isku arkeen Madaxweyne Shariif iyo Horjooge Siilaanyo, kaasoo ay ku saxiixeen heshiis lagu ambaqaadayay wada hadalada labada dhinac ubilowday.

Khaatumo Online

 

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>