Home » News » slidernews » Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in Ciidamadeeda aanay kala bixi doonin Soomaaliya {Akhriso}

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in Ciidamadeeda aanay kala bixi doonin Soomaaliya {Akhriso}

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in Ciidamadeeda aysan ka bixi doonin Soomaaliya ilaa ay awood ka yeelaneyso Dowladda KMG, isla markaana la hirgelinayo Dastuurka.

Afhayeenka Dowladda Itoobiya Shimeles Kemal ayaa wariyeyaasha u sheegay in Ciidamadooda ku sii sugnaanayo Soomaaliya, ilaa laga dhisayo Dowlad awood leh oo iska caabinta karta Shabaab.

Itoobiya ayaa bishii November ee sanadkii hore Kumanaan askari u dirtay Soomaaliya, si ay u taageeraan Ciidamada dowladda oo dagaal kula jira Al-Shabaab, iyagoo aag saddexaad oo dagaal ku furtay Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa Al-Shabaab ka qabsaday Magaalada Baydhabo, Beledweyn iyo meelo kale, iyadoo hada boqolaal ka tirsan ciidamadeeda ay ka soo gudbayaan xuduuda, si deegaano kale ay u sii qabsadaan.

Warkan ka soo yeeray Dowladda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo labo todobaad ka hor ay ka baxeen degmada Ceelbuur iyo deegaano kale oo ka tirsan Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa dhowaan sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay ku qasbeen inay ka baxaan Ceelbuur, markii saadkii iyo sahaydii u mari jiray ay ka go’eysay, waxaana wali jira weeraro si xirfadaheysan ay jidka ugu galayaan Kolonyada Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolada Koofureed.

Admin@khaatumo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>